Friday, May 9, 2014

Afrika Mugabi waydo!!


Afrika  waa qaarad cagaaran, hodan ah oo dhulkeedu dihin yahay. Waa qaarad  qofka ku nooli maalintii helo in ka yar laba kun oo kalori. Halka dunida horumartey qofku hello in ka badan afar kun oo kalori. Qaarada afrika gaar ahaan saxaare u ekaha lix boqol oo milyan oo qof  ama saddex marka loo qaybiyo meel ahaan dadka ku nool gobbolkaa ayaa weli ku nool iyaga oo aan haysan, awood koronto iyo tamar kale midna.  Bulshooyinka miyiga ku nool tirradu waxay gaadheysaa 85%. Ilaa hada waxa sii socota in cuntadii lagu kariyo xaabadii dhuxul iyo saalada xoolaha. Dadka waxa haysta shaqo la aan baahsan. Cusbitaaladii ma hayaan daawo iyo qalab midna. Sidoo kale dugsiyadii waxbarashadu awood  uma laha iney soo kobciyaan ardey aqoontoodu ku saleysan tahay  dhaqaalaha.




1379568_180538115466384_1373620502_n(1)Mushkiladahaa badan ee qaaradan ku habsadey ayaa eedeeda koowaad ay iska yeesheen hogaamiyayaasha  siyaasada ee gaboobey, kuwaas oo doonaya iney konton sanadood hor taagnaadaan dadka. Kuwaas oo dhiigga ka jaqaya isla markaa badidooda ay maskaxduba fadhiisatey.iyaga oo ragaadiyey dhamaan wixii wax qabad ah iyo adeegyadii asaasiga nolosha ahaa. Dimuquraadiyad la aanta ka tallaabsiga hababka xorta ah ee bulshadu isku doorato  markii leyska dhaafay waa ta dhaxalsiisey qaaradan  dagaalo mar kasta ka holcaaya. Dib hadii aynu u eegno raga kursiga laga furfuri kari waayey kow wax aka ah mugabi oo siilaanyo doorkii la dooranayey isna isu soo taagey musharaxnimada isaga oo afar iyo sideeten jir ah.  Waxase is weydiin mudan madaxweynaha waynu dooran karaa mar kale ee muxuu ku muteystey in aynu mar labaad doorano??? Waad arkeyseen qudbadii qurruxda badneyd ee uu gollaha ka hor akhriyey hase yeeshee dadkani waxay rabaan sinaan, cadaalad iyo horumar. Horumarku maaha 58 waddo oo wada qabyo ah iyo gidaaro la rinjiyeeyo. Horumarka waxa lagu gaadha wax soo saarka kheyraadka dabiiciga iyo dhiirigelinta dallaga. Mideynta bulshada aad hormuudka u tahay. Hadiise aad shaki ka dhex abuurto bulshadaada qaranimadaadu wax jira ma noqoneyso. Ilaa maalintii lagu doortey waxa kuu fadhiya wasiiro aad magacowdey ilaa maantana fadhiya, waa leyska arkayaa iney meesha ka jiraan wasiiro khalad iyo saxba adeerkood meesha u fadhiyo. Oo xitaa dambiyada qarankan curdinka ah ay ka geleyaan aan lagu qaadi Karin. Waa tusaalaha ugu fudud ee aan soo qaatey. Taasi waxay qarineysaa oo meesha ka saareysa horumar kasta oo aad ku faani lahayd isla markaa taariikhda kuu geli lahaa. Bal qiyaas waxii dawladaadu ku kacdey mudadii koobneyd ee aad kursiga fadhidey. Waa markhaati ma doon in xukuumadaada iyo xisbiga kulmiye ay meeshii la taabtaaba tahay gaatir iyo boog. Dadka reer soomaaliland afartaa sano wax ka badan u maleyn maayo iney kuu dulqaadan karaan. Ugu dambeyn madaxweyne waxan ku leeyahay  cimaamadaada qaado iska cibaadeyso,




 




WAAD GABOWDEE GUURTIDA GAL




 




Allaa mahad leh




 




WACAYS AXMED MAXAMUUD




 




BARRE ADDUUNY




 




Germany Frankfurt




 




bareadunyo@gmail.com