Wednesday, May 7, 2014

Madaarka Aadan-cadde oo Computar-dii iyo Macluumaad sira Daad qaatay.Daawo


Qayb ka mid ah Xafiisyada Madaarka oo Biyo kormareen Miisaska iyo Masuuliyiinta dawladda oo ka hadlay




 Madaaerka Muqdisho(GNA)-Roobab xoogan ayaa xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho, waxaanay khasaare gaadhsiiyeen Madaarka Diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo goobo kale .




Biyo ku soo rogmaday Madaarka ayaa galay buuxiyay Xafiisyada iyo meello kalena waxyeelo u geystay.




Madaarka ayaa waxa ku socday dib u dhis qaybo ka mid ah,waxaana dhawaan dhagax dhigay Reysal-wasaaraha Soomaaliya qaybo cusub oo lagu kordhinayo Terminaalada iyo Dugsi Tababarka Duulimaadyada lagu baran doono.




Biyaha galay Xafiisyada Madaarka ayaa kor u dhaafay xaga Jooga Miisaaska agabka la dul-dhigo, taasoo muujinaysa in Khasaare gaadhay macluumaadka iyo Mishiinadda lagu shaqeeyo.




Masuuliyiin dawladda ka tirsan oo ka hadlay dhibaatadan Daadadku geysteen ayaa caddeeyay in  khasaare soo gaadhay agabka xafiisyada yaalay oo ay Baasaabooro iyo Dhikumantiyo kale ku jiraan.




Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in roobka xalay uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa garoonka, isagoo xusay in xafiisyadii garoonka ay biyo ka buuxsameen.




Mr Gaafow ayaa sheegay in wadooyin lagu xirmay dhagxaan sababo amni gudahood iyo meelihii biyaha roob ee ka yimaada magaalada oo xirnaa ay isugu darsameen in garoonka iyo xafiisyadii adeegyada ka socday in biyo soo galaan.Madas




 “Roobkii xalay da’ay wuxuu ahaa roob weyn, biyo fara badan ayuu magaalada ka keenay, biyaha meeshii ay marayeen oo ay xirmeen ayaa keetay in biyo ku soo rogmadaan dhismaha garoonka, biyo caadi ma ahan, biyo gaaray in miisaska ay ka kormaan”ayuu yiri Jen, Gaafow.




MadaaarSidoo kale waxa uu sheegay in Baasabooro (Pasports)  dibada iyo gobolada loo dirayay ay biyaha soo galay xafiisyada ay qooyeen, sidoo kale documentiyo iyo agabyo kale, waxaana uu xusay in qaar ka mid ah Computer-rada iyo kaamiiroyinka ay biyo ka buuxsameen, qeybtii bixitaanka garoonka iyo meelo kale ayay biyaha soo galeen.




Dhinaca kale Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Saciid Jaamac Qorsheel ayaa sheegay in garoonka ay ku sameyn doonaan dib u dayactir ballaaran oo heer casri ah, waxaana uu xusay in hadii aan tani wax laga qaban ay keeni karto dhibaato weyn.




 “Qasaare fara badan ayaa ku dhacay xafiisyadii garoonka, qalabkii dhaawac baa gaaray, hada waxaa ku jirnaa sidii howsha loo fududeyn lahaa, hadii roob kale uu yimaad dhibka waa sii taagnaanayaa, halkan waxaa qasaare badan ka dhashay documentiyo badan oo qoyay, baasabooro xafiiska keydka yaalay iyo kuwa kale, deg deg ayaa wixii la qaban karo ku qabaneynaa”ayuu yiri Siciid Jaamac Qorsheel.




Dhacdadan ayaa timi xili la filayo inay dhawaan Maamulka Madaarka la wareegto Shirkad la yidhaahdo Favori, taasoo heshiis kula gashay dawladda inay Maamusho, isla markaana horumariso.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com