Waxay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya
Washington(GNA)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa si heer sare ah ugu qaabilay aqalka Cad ee Washington Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,oo booqasho ku jooga dalkaasi.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhex mara Madaxweyne Obama iyo Geele, taariikhda inta la xasuusto.
Labada Madaxweyne ayaa kulan ku yeeshay aqalka cad.
Madaxweynaha Jabuuti oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Mareynkan ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay inay dib u cusbooneysiiyeen heshiiska Ciidamada Mareykanka ku joogaan dalka Jabuuti oo ay xero milateri ku leeyihiin.
“Xiriirka labada dowladood ayaan ka hadalnay, heshiiska joogitaanka Jabuuti ee Ciidamada Mareykanka ayaa cusbooneysiinay, waxaa ka hadalnay shirka afrika iyo mareykanka ee dhacaya Bisha Agosto, arrimaha gobolkeena ka hadalnay, arrimaha Soomaaliya ka hadalnay, iskaashigabu ka wada hadalnay”ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Obama uu kala hadlay sidii dhalinyarada Jabuuti ay shaqo uga heli lahaayeen xerada ay ku leeyihiin dalka, sidoo kale waxaa uu xusay in Mareykanka ka kaalmeynayo dhinaca Tamarta.
Mar uu ka hadlayay arrimaha Soomaaliya ayuu sheegay inay ka wada hadleen isaga iyo Madaxweyne Obama, waxaanu xusay inuu ku baaqay in la tayeeyo ciidamada Soomaalida, si amniga loo sugo, isla markaana hadii aan ciidamada la tayeyn aanay suura gal aheyn in Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2016 doorasho.
Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah saddex dowladood oo saldhig milateri ku leh dalka Jabuuti, iyadoo saldhigaas Mareykanka u isticmaalo howl galada la dagaalanka Argagixisada Soomaaliya iyo Yemen.