Xidhiidhka Somaliland iyo Dawladda Turkigu ma u muuqdaa mid ka hana qaaday Hargeysa oo Luuqada Turkish-ka lagu barto…”Warbixin.
“Madaxweyne Siilaanyo oo magacabaay Safiir Somaliland u fadhiyi doona Turkiga…”Warsaxaafaddeed.
Hargeysa(GNA)-Turkiga ayaa saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay saameyn siyaasaddeed iyo mid horumarineed ka sameynayay Geeska Afrika, gaar ahaan Maamullada ka dhisan dalkii laysku odhan jiray Somaliya ka hor 1991-kii intii aanay bur-burin dawladdii Milateriga ahayd ee Siyaad Barre.
Hay’addo gar gaarka ka shaqeeya oo dawladda Turkigu leedahay, ayaa mashaariic tiro badan ka wada Gobollada Somaliya, waxaanay sidoo kale dawladda Turkigu qayb laxaad leh ka qaadanaysaa dib u dhiska Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo xafiisyada dawladda Muqdisho.
Turkiga ayaa ka mid ah dawladdaha Islaamka ee xidhiidhka guunka ah la leh Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxaanu saamayn dhanka Ganacsi ah iyo mid siyaaddeedba ku lahaa Xeebaha Somaliland sida la tilmaamo qarniyadii 14-aad ilaa 17-aad.
Somaliland
Waxaana wali sii nool raadad qadiimi ah oo uu halkan kaga tegay xiligaasi, sida Masaajidka Cusmaaniyiinta ee Berbera ka dhisan iyo goobo kale.
Dib u soo laabashada xidhiidhkaa hore ee Turkigu lahaa Somaliland oo saddexdii sanno ee u dambeeyay soo kordhaysa, waxaana muuqata in Danaha Anchor Hargeysa ka hana qaaday, marka la eego heerka uu marayo.
Ka sekow Mashaariic horumarineed oo ay qaar fuleen, kuwana ay balanqaad ku maqanyihiin, Shirkaddo Ganacsi oo Turkiga laga leeyahay iyo Goobo waxbarasho oo Luuqada Turkish-ka lagu barto ayaa Magaalada Hargeysa xarumo ka samaystay labadii sanaddood ee ugu dambeeyay.
Waana markii ugu horesay ee Luuqada dalkan qadiimiga ah lagu barto Magaalooyinka Somaliland shantii qarni ee u dambeeyay.
“Aqoon dadka la bari maayo ee Dhaqanka Turkiga oo ah mid xidh-xidhan ayaa la barayaa, markaa maaha waxbarasho wanaagsan waxanay keeneen dalka”sidaasi waxa gobanimo u sheegay Maxamed Xaaji Cabdilaahi oo ka mid ah aqoonyahanka Somaliland ee gudaha wax ku bartay.
In ka badan 100 Arday oo reer Somailand ah, kuwaasoo waxbarashada Dugsiyada dhexe iyo kuwa sare ku dhamaystay dalka ayaa deeq waxbarasho ka helay Turkiga, waxaana mashruucaasi bilow u ahaa Taakulada ay Somaliya ugu deeqday dawladda Rejab dayib Ordogan sanadkii 2011-kii oo booqasho ku yimi Muqdisho.
Siyaasadda
Anchor ayaa marti-gelisay dhawr kulan oo ay wada yeesheen Somaliland iyo Soomaaliya sanadkii 2013.
Wadahadaladaasi ayaa labada dhinac heshiisyo aan wali dhaqan gal noqon ku gaadheen, waxaanu Reysal-wasaaraha Turkigu balanqaaday inay ka shaqaynayaan sidii ay labada dhinac isfaham u gaadhi lahaayeen.
Xidhiidh diblomaasiyaddeed oo bilow ah
Madaxweynaha Somaliland, ayaa Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta oo Salaasa ah Safiir cuub oo dalkiisu ku yeelanayo Turkiga u magacaabay Cali Axmed Cismaan (Tuuhe), kaasoo Masuul cusub oo xafiis cusub loo magacaabay.
War-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ayaa lagu shaaciyay magacaabista Wakiilkan cusub, waxaana la magacaabay xili danaha labada dhinac kala leeyihiin xaga siyaasada iyo dhaqaaluhu sii kordhayo.
Warsaxaafaddeedka ayaa lagu yidhi sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2467/052014 Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiyidoona dalka Turkiga.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Turkiga;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cali Axmed Cismaan (Tuuhe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Turkiga”.
Turki ma aqoonsana Somaliland
Si kastaba ha ahaatee Somaliland maaha dal Dawladda Turkigu u aqoonsantahay waddan Madaxbanaan.
Hase ahaatee, hadana waxay ka mid tahay wadamada ula macaamilaya Somaliland sida nidaam Qaramada midoobay u aqoonsantahay dawlad.
Wakiilka la magacaabay ayaa waajahaya la tacaalida iyo la tacaamilka Dawlad ku shaqaysa wajiyada Yurub iyo Dunida Carabta oo isbahaysi siyaasaddeed ka dhexeeyo.
Laakiinse waxa muuqata inaanu wax badan kaga duwanaan doonin Sufaro kale oo ay Somaliland ku leedahay Yurub iyo dalal kale oo aanay xafiisyadoodu meeqaam la taaban karo ka bedelin rabitaanka Somaliland.
Saleban Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: curad1986@gobanimonews.com