Wednesday, May 21, 2014

Maayirka Gabiley iyo Xoghaya oo lagu eeddeeyay Musuqmaasuq


Masuuliyiinta ugu sareeya Dawladda hoose ee Gabiley gaar ahaan maayirka,xoghayaha iyo qaar kamida xildhibaanada Golaha Deegaanka  ayaa lagu eedaynayaa in ay musuqmaasuq baahsan kula kaceen bulshadii soo dooratay, kadiba markii ay ku heshiiyeen in ay kala shaxaadaan umadana ku qanciyaan wadooyin macmal ah oo roobabkii guga da'ay ay fashiliyeen.




Arritan ayaa soo ifbaxday kadib markii ay dhawaan sheegeen in ay dhiseen wadooyin wax ku ool ah oo anfaci doona bulshada shacabka gabiley.




dhismaha wadooyinka oo ay ku baxeen lacago aad u badan ayaa lagu sheegay miisaaniyadii gobolka.




 sidoo kale waxay sheegeen in lacagahii ay dawlada dhexe ku caawisay  dawladaha hoose ay  ku kharash gareeyeen wadooyinkaasi.




"Waxaan Ahay Hooyo Da'ah Waxaan Haystaa Wiil aan Dhalay oo Ku Xanuunsaday Dagaaladii Qadhaadhaa ee Soomaray Dalka, Maamul Wax Isiiya Daaye Waxaa La iigu Yimid Buulkii Aan Deganaa" sidaasi waxa tidhi mid ka mid ah Hooyooyinka Reer Gabiley ee Dawlada hoose ka cabanaya.




Maayirka magaalada gabiley ayaa lacago caawimo ah u tagay dalka dibadiisa taas oo ilo xog-ogaal ah oo ka agdhow maayirku sheegeen in lacagahaasi intoodii badnayd uu ku kharash gareeeyey dhismayaal guryo cusub oo uu ka dhistay gudaha magaalada gabiley iyo baabuur uu ku xeraystay guryahaasi.




Dhacdooyinkan lidka ku ah hanaanka maamul ayaa la xaqiijiyey in ay kula jiraan kooxo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka iyadoo uu maayirkuna sheegay in lacagahaasi badankoodii uu ku bixiyey dhismaha wadooyinka fashilkoodu uu soo baxay.




dhanka kale xogahaya dawalada hoose ee magaalada gabiley ayaa isaguna arrimahan lug weyn ku lahaa, iyadoo la sheegay in uu saaxiib dhow wakhtigan la yahay maayirka iyo kooxda kale ee la socda ee u heshiiyey cashuurta masaakiinta danyarta ah ee soo dooratay laga uruuriyo.




waxaana warbixintu intaasi ku dartay in lacagaha ay kasoo saaraan baanka gobolka gabiley,ay dul saartaan lacago dheeraad ah oo aaney jirin wax habayaraatee bulshada loogu qabtaa.




warbixinahan ayaa waxaa cadaymo looga dhigay, wakhtiga ay xilka hayaan maayirkan iyo kuwa lamidka ah iyo dhismayaasha iyo hantida ay durba ka dhisteen hantidii shacabka danyarta ah.




 labadan masuul ee maayirka iyo xoghayaha dawlada hoose ayaa cabasho balaadhan ka muujiyeen shacabka reer gabiley, kuwaas oo ay ku sifeeyeen shaqsiyaadkii ugu musuqmaasuqa badnaa ee abid soo mara gobolka.




 iyagoo ku sifeeyey niman danaystayaal ah oo hawshii danta guud ahayd ka fuudhyeelay toodii gaarka ahayd, waxaana ay sheegeen in shaqooyinka iyo hawlaha gobolka ay kaliya ku koobaan dad ay ku jufo yihiin, haddii ay yihiin shaqooyinka iyo fursadaha kale ee kasoo baxa gobolka.




Sidoo kale masuuliyiinta kale ee gobolka ayaa iyaguna dhankooda ku tilmaamay niman aan u aabo yeelayn danta shacabka iyo bulshada soo dooratay.




maaha markii ugu horaysay ee gobolka ay kasoo ifbaxaan arrimahan musuqmaasuq iyadoo hore laba iyo saddex jeerba ay galeen hay'ada baadhista hantida qaranku dawladda hoose intii masuuliyiintani joogeen.




Waxaana ay dadweynaha ku dhaqan gobolka ee u dhuun daloola arrimaha ka socoda gobolku ugu baaqeen in ay soo galaan hay'adahii ku shaqadalahaa arrimahan oo aan ahayn kuwo loo adkaysan karo.




Maxamed Cali Xaashi




Gabiley/Somaliland