Wednesday, May 21, 2014

Waddani: Dalku maaha meel fowdo ah ee cidbaa ka talisa".


Xisbiga Waddani oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Reysal-wasaaraha Somalia




jiifHargeysa(GNA)-Xog-Hayaha Hidaha Iyo Dhaqanka ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeedhay raysal wasaaraha Somaliya Cabdi Wali Sheek Axmed.




 kaasi oo uu raysal wasaaruhu sheegay in Oday dhaqameedka mudooyinkii danbe ku sugnaa gudaha Somaliland ee ka yimi Koonfurta Somaliya ee Magaalada Muqdisho ay ka mid yihiin dadaalo ay xukuumadda Somaliya ay Oday Dhaqameedyo ugu dirayso qaar kamida deegaanada Somaliya oo sida u usheegay ay ku jirto Somaliland ku waasi oo ka shaqaynaaya midnimada Somaliya,waxaana uu jiif Caaqilku uu carabka ku dhuftay in aan Somaliland ka mid ahayn  Somaliya,bari horena ay ka dib ugala soo noqotay Xoriyadeedii.




Xog-Hayaha Hidaha iyo Dhaqanka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Jiif caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe ayaa waxaa uu sidan ku sheegay War-Saxaafadeed uu maanta Soo saaray, kaasoo uu Golayaasha qaranka ugu baaqay in ay si dhakhso badan ay u baadhaan cidii ka danbaysay ee masuulna ka ah khiyaamadan qaran.




waxaa uu sida oo kale uu ka codsaday in golayaasha qaranku ay dib u eegis ku sameeyaan Wadahadalada u socda Somaliland iyo Somaliya.




War-saxaafadeedkanina waxaa uu u dhignaa sida tan:




WAR-SAXAAFADEED




Waxaan maanta hambalyo iyo mahadnaq udirayaa raiisalwasaaraha soomaaliya waar bal maan idhaahdo Anna waliba deeqdaa inta igu dulsaarka ah waxaan kuugu darayaa wax kastood tidhaahdo waxba waadin ii hayn waa horaanan kaa tagay.waxsaad iiga roontahay kuwaan u doortey taladayda ee hoosaasika igu wadey ee lahaa wax bey inaga baranayaan odoyaashani warkeeney qaadayaan sideynaan warba isu haynin wax inoo kala qarsoonyiin.




Hadalkiiba waxaa soo yareeyey ninka xukuumada soomaaliya ka madaxda ah oo caddeeyey in odoyaashu ay marka hore dalkoodii tageen kana soo shaqeynayeen midnimadii soomaaliya waxy iyagu u yaqaaniin waxa uu intaa ku Daray in ay kamid tahay wadahaladii u socdey soomaalida.a hadalkaa waxa si cad u yidhi raiisalwasaara soomaaliya .Taasi waxay si toosa ah uga horimaneysaa gooni isu taagii iyo qaranimadii soomaaliland .




Dalku maaha dal fooda ah wixii doonaana iska soo galayaan hadana iska baxayaan cid baa xukunta oo ka taliso wadanka cid baa ka masuula khiyaamo qarankan aan marnaba istaahilin dambi dhaafka lahayn.




Hadaynu shalay isku haysaney maxaa odoyaasha loo leeyahay baxa waxaan maanta ku baaqayaa in si wada jir ah oo aynaan kala bixinba aynu danbigan u baadhno oo lagu qaado cidii masuulka ka ahayd.




 




Hadaba aniga oo ah xoghayaha hidaha iyo dhaqanka ee xisbga mucaaradka ah ee wadani chief caaqil Cabdi Guuleed gaboobe waxaan ugu baaqayaa golaha baarlamaanka,Iyo Goloha guuritida s/land iney gutaan waajikooda distooriga ee kaga aadan khiyaamadaa Qaran cidii ka masuulka




ahayd hor keenaana shacabka reer s/land si ay ugu noqoto cibro iyo wax ku qaadasho iyo inaan nin waliba dalkan balayaduu doono ku soo hogaamin . Waxa kale oo aan golayaasha ka cod sanayaa in dib u eegis ku sameeyaan wada hadaladii aynu la furney soomaliya maadaama aynaan waxba inagu ka faaiidin iyana ay marayaan inay midnomo soo ceshanayaan




 (FIIRO GAARA)waxaaba la sheegayaa lacagbaa lagaga cunayaa dawlado shisheeye, waxaana rasiidhba inoo ahaa oo aynu waligeenba iska ilaalin jirney gacan shisheeye.




Waxa kale oo shacabku aad uga xumaadey ninkii martida inoo ahaa oon habayaraatee wax sharciyad ah aan haysan ee madaxtooyadeenii calankeenii madaxweynaheenii ku guddonsiiyey bal taa lafteeda hala baadho waxay lafjab iyo dhaawac inoo keeni karto




Xog-Hayaha Hidaha Iyo Dhaqanka Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI




Cheif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe