Wasiir ku-xigeenka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa shirkan kaga qayb-gashay wadanka Finland
Helisinki(GNA)- Wadankan Finland waxaa shir caalamiya oo meeqaamkiisu aad u sareeyo lagu soo casuumay Dawlada Somaliland. Shirkan waxaa sidoo kale ka soo qayb galay dhamaan wadanada Geeska Afrika ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo kala ah Djibouti, Eritrea, Etiopia , Kenia, Somalia, Sudan, Etelä-Sudan, Uganda iyo Somaliland.
Shirkan waxaa soo qabanqaabisay Wasaarada Arimaha Dibada Finland oo kaashanaysa Wasaarada Horumarinta Finland, waxaana somaliland uga soo qaybgalay Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaciil.
Somaliland ayaa shirka ka heshay soo dhawayn wanaagsan oo la mida kan Dawladaha kale.
Shirkan oo socday shan maalmood waxyaabihii laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa Arimaha bulshada,xuquuqda dumarka, horumarinta dimuqaratiada iyo xoriyadtulqawlka, dawlad wanaaga,hanaanka barlamanka xisbiyada badan iyo sida ay Finland uga shaqeeyaan.
Waftiga ka socday IGAD oo ay Somaliland ka mid ahayd waxay kulamo la yeesheen wasaarado badan, Barlamanka Finland iyo Xafiiska hantidhawrka Guud oo ay ku lahaayen aqoon korodhsi iyo tababaro. Tababaradaas waxaa awooda la saarayay xasiloonida iyo horumarka, waxana ka mid ahaa sida loo maamulo loona xafido hantida umadda, gaybta uu macaaridku ku leeyahay horumarka, saxaafada madaxabanaan, kobcinta aqoonta iyo shaqo abuurka.
Wasiir kuxigeenka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaciil oo shirka Somaliland uga qayb gashay ayaa kaalin firfircoon ka qaadatay intii uu shirku socday. Marwo Shukri aya shirka ka soo jeedisay warbixin heer sare ah oo ay kaga warantay horumarka ay Somaliland ka gaadhay nidaamka xisbiyada, saxaafada madaxabanaan iyo kobcinta dhaqaalaha iyadoonay Somaliland helin wax dhaqaale ah oo la taaban karo.
Intii uu shirku socday Marwo shukri waxay meel sare geysay Qadiyada iyo Aqoonsi raadinta Somaliland oo ay si wayn ugu farxeen dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Finland.
Waxay la kulantay ku dhawaad 17 xildhibaan oo ka yimid wadamada IGAD, Golaha barlamanka Finland, Wasiirka Arimaha Dibeda Finland Erkki Tuomioja, Wasiirka horumarinta Finland Pekka Haavisto,Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Cafimaadka Finland Paula Risikko iyo dalada haweenka ee Barlamaanka Finland ee Marttaliitto oo ay dhamaantoo kala hadashay sidii ay uga taagerilahaayen Somaliland baahiyaha ka jira iyo aqoonsiraadinta.
Madaxda kale ee ay Wasiir Shukri Xariir la kulantay waxaa ka mid ahaa Dr.Salim Ahmed Salim Raiisalwasaarihii hore ee dalka Tazania ,Alexander Rondos wakiilka Afrika ee Yurub iyo xoohaya guud ee urur goboleedka IGAD Eng, Maxbuub Macalin iyo madax badan oo saamayn wayn ku leh siyaasada Addunka.
Marki ay kulamadaasi soo dhamaaden waxay wasiirku xigeenku la kulantay Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan wadanka Finland iyada oo kala qaybgashay damaashaadkii sanad guuradii 23naad ee 18 May ee lagu qabtay wadankan Finland.
Ibraahim Qasim
Gobanimonews
Hilesinki Office