Thursday, May 8, 2014

Hambalyo ku Socota Khudbadii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) , Ka Jeediyey Golayaasha Qaranka


 




20140428_074656-1




 




 




 




 




 




 




 




 




 




Marka hore waxaan salamayaa dhamaan bahda saxaafada iyo akhristayaasha ku xidhina marka xigta waxaan halkan doonayaa inaan kaga hadalo kuna hamabalyeeyo khubbadii sanadeedka ahayd ee madaxaynaha jamuuriyada Somaliland Mudane .Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ka akhriyey labada gole qaran ee Baarlamka iyo Guurtida .




 




Khudbadan oo ahayd mid aad iyo aad ugu wanaagsan oo ka hadalaysay arimo dhowr ah oo tan iyo intii ay Somaliland jirtay aan la arag .




Xukuumada maanta tallada dalka haysa waxaan ku tilmaami lahaa xukuumadadii waxaqabadka taasi oo aynu arkayno lana taaban karo hadaba hadii aan dhowr qodob ka eegno khudbadaasi qiimaha lahayd ee shalay Mudane .Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo akhriyey




Ta u horayso waxa weeyaan waxaqabadka xukuumada oo intii aanay tallada dalka la wareegin dajisay qorsha lagu maamuli lahaa marka ay xilka ku guulaysato , taasi oo ay ku guulaystay waxaan odhan karnaa waxqabadka xukuumada 90% maanta waa hirgalay waan muuqdaa  , waxaan odhan lahaa macaaridka iyo dadkii kale ee shalay lahaa madaxweynuhu waxa uu akhriyey khudbada ka yar 30 minites waxa ay ahayd oo kaliya khulaasadii se waad arki kartaan khudbadaasi oo qoraal ah waan 10 page oo hadii uu kalmada kalmada u akhrin lahaa ay socon lahayd ilaa 5:00 pm , isagoo tixigalinaya waayeelka guurtida eek u jira golaha ayuu waxa uu madaxweynuhu soo qaatay khulaasada ama meelaha muhiimka ka ah khudbadaasi .




Siyaasada Arimaha dibada iyo ictiraaf raadinta waxa aan shaki ku jiran oo maanta sida cadceeda oo kale u cad siyaasada xukuumada talada haysa maanta taasi oo meelo badan oo ay xukuumadihii hore gaadhin ay gaadhsiisay siyaasada arimaha dibada Somaliland iyo waliba ictiraaf raadinta waxaan taasi maraga ka ah waxaad la wada socotaan in gobol ka mid ah dalka Uk  uu ku dhawaaqay inuu aqoonsaday Jamuuriyada Somaliland taasi oo dunida maanta ay hadal hayso  somaliland .




Maalin ba maalinta ka danbaysa waxa dalka ku soo badanaya waftiyo badan oo kale socoda bulshada caalamka kaasi oo ay xaqiiqsadeen in maanta Somaliland ay tahay dal u baahan in la ictiraafo oo dhamaystaray shuuradaha looga baahan yahay hadii ay tahay  Nabadgalayada , Dimuqraadiyada  .




Maanta waxa lagu faraxo ah in waxbarashada dalka Somaliland marayso halkii u saraysay taasi oo xukumadani ka dhigtay waxbarashad dugsiga hoose dhexe bilaash kaasi oo u saamaxay dadkii danyarta ahaa inay waxbarasho helan kuna jirtay waxqabadka xukuumada oo bulshada Somaliland aad u soo dhawaysay mahadsnay talaabadaasi ay qaaday iyadoo hadii alle yidhaahna ay ku dari doonto hadii kharash ka inoo kordho dugsiyada sare ,




Waxa kale oo maanta mii iyo magaalaba dadku gaadhay caafimaadka kaasi oo tuulo degmo iyo gobolba laga wada herigaliyey xarumo caafimaad oo bulshadu aad ugu raysay una soo dhawaysay in maanta caafimaadkii ilaa tuulooyinka la gaadhsiiyey waana ilaahay mahadii waxaan odhan lahaa halkaasi maanta uu taagan yahay caafimaadka iyo waxabarashaduba waa in kor looga sii qaadaa .




Ta ugu muhiimsan ee maanta ka soo socota wadanka waxa weeyaan dhismaha wadooyinka kaasi oo ah hormarka dalka waxay bulshada Somaliland marxaati ka tahay halka maanta marayaa dhismaha wadooyinka oo ka socda gobolada dadka oo dhan taasi oo la dhameeyey wadooyinka wajaale , berbera iyo hargeisa ,boorma, imikana gacanta lagu hayo wadad ceerigaabo oo ilaa iyo intii wadanka dib loogu soo noqday iyo wixii ka horeeyeyba aan la taaban ahaydna meel qarfo ah oo dhib badan ka haystay bulshada iyo isku socodka ganacsiga , maanta uu madaxweynaha jamuuriyada Somaliland ku dhiiraday inuu bilaabo kaasi oo qalabkeedii la geeyey socotan insha allaha waxaan raynayaa inay dhamaan doono noqon doonta mid madaxweynaha Somaliland ku suntanaan doonto , anigoo rayi ahaa soo jeedin lahaa ba wadaasi ceerigaabo in loogu magac daro madaxwaynaha Somaliland mudane .Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)




Guntii iyo gabagabadii




 waxaan leeyahay maanta Somaliland waxay taagan tahay meel sare waxa la doonayaa uun in la ilaaliyo nabadgalyada iyo in meel looga soo wada jeesto cadowga Somaliland .




Xukuumada tallada haysa ee uu hogaamiyo Mudane Siilaanyo waxay qabatay waa la arkayaa sida cadceeda oo kale bay u cadahay maahan waxa sacab qarani karo ee waxaan odhan lahaa ha la taageero si ay maanta waxaasi ay qabtay iyo waxa ka sii badan ba u qabato oo wadankeena la ictiraaf deg deg ah u helo




(Gacmo wada jir bay waxa ku gooyaan ) hadafkeenu waa hormarinta dalka bulshooy dhamaantiin




 




 




Qore .Yacquub Abdilaahi ( Shirbaaye )




Hargeisa .Somaliland




Email : yacquub49@hotmail.com




 




 




Alla Mahad Leh




 




GobonimoNews 




Hargeisa .Office