Thursday, May 8, 2014

"Cabdilaahiyow waxa lagugu eryay Ammaan darada aad waxba ka qaban wayday”Suldaan Bad-madow


Wasiir-Ku-xigeenka-amnigaAnigoo ah Suldaan Axmed Maxamed Xasan (Bad-madow), waxaan marka hore Hambalyo  u dirayaa Masuuliyiintii uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland xilalka u magacaabay , hogaanka cusub ee Xisbiga Kulmiye iyo waliba Guddoomiyaha Xisbigaasi ee dhawaan ku dhawaaqay inuu Musharax Madaxweyne u taaganyahay.




Waxaannan Illaahay uga baryayaa inuu xilalka u fududeeyo.




Waxa kale oo aan doonayaa inaan mawduucan uga faa’idaysto jawaab aan bixinayo hadal ka soo yeedhay Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga ee la bedelay Cabdilaahi Abokor Cismaan oo sheegay shalay markuu xilka wareejinayay in xilka looga qaaday arrimo la xidhiidha Xubinnimadiisa xisbiga Kulmiye.




Hadaba waxaan leeyahay Cabdilaahi, lagaagama qaadin Xilka arrin ku saabsan Xisbiga Kulmiye ee waxaa lagaaga qaaday markii aad ku fashilantay sugida maanka dalka ee aad ka soo bixi wayday shaqadii markii horeba lagu igmaday.




Sidaa darteed waxaan ku odhan lahaa Cabdilaahi Falaadhi Gil-gilasho kaagama ba’dee, waxba xil ka qaadistaada sabab ha uga dhigin waxaan cidi kaa asmacayn ee xaqiiqda ka sheeg sababta xilka lagaaga qaaday.




ALLA MAHAD LEH




By: Suldaan Axmed Maxamed Xasan (Marshaal) (Badmadow)