Wednesday, May 7, 2014

Gollaha Wakiillada oo ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 24-aad


wakiilada.jpgHargeysa (GNA) - Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku ansixiyay Ajandaha kal-fadhiga 24-aad oo dhawaan u furmay.




Fadhigan ayaa waxa shir-guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax.




Xildhibaanada aqalkaas oo maalmihii ugu dambeeyay ka doodayay Ajandahooda kalfadhiga 24-aad, ayaa waxa Ogolaaday 40 xildhibaan, waxaana diiday afar, cid ka aamustayna ma jirin.




Mustafe farro