Saturday, May 3, 2014

Cali Khaliif oo “Buuhoodle” ku soo laabanaya


Laba caliBuuhoodle(GNA)-Hogaamiyeha labaad ee Ruuxiga ah ee Khaatumo State Cali Khaliif Galaydh ayaa ku soo laabanaya Magaalada  Buuhoodle oo uu laba todobaad ka hor ka soo degay.




Cali Khaliif ayaa wali ku sugan Degmada Taleex oo xarun u ah Maamulka Khaatumo.




Galaydh iyo Cali Ciise Cabdi ayaa dhawaan Madasha shirka saddexaad ee Khaatumo soo gaadhay, kaddib markii ay ka soo dageen Gegida diyaaradaha ee Magaalada Buuhoodle laga dhisay.




Imaanshiyahooda Taleex ayaa darreemo siyaasadeed oo xaasaasiya abuurtay, kaddib markii uu beeniyay warar laysla dhex marayay Somaliland oo sheegayay in wadahadalo u socdaan Somaliland.




Ma cadda inuu halkan dib uga dhoofayo iyo inuu ku sii hakan doono, hase ahaatee xildhibaankan ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa wali ku foogan sidii uu dhidibada ugu taagi lahaa Maamulka Khaatumo oo uu Mansabka Baarlamaanimo uu ku fadhiyo.




Xubin sare oo ka tirsan Maamulka Khaatumo ayaa Gobanimonews u sheegay in Cali Khaliif Maalmaha soo socda ku imanaya Magaalada Buuhoodle oo hada noqotay Dhabaha ay ka soo galaan siyaasiyiinta Khaatumo Gobollada ay maamulaan.




Laakiinse ma uu xaqiijin sababta uu Taleex uga soo laabanayo maadaama la filayo inuu dhawaan shirku furmo.




Gobanimonews




Buuhoodle Office




Email: editor@gobanimonews.com