Wararka ka imanaya Degmada Ceel-waaq eek u taalla xuduudka ayaa ku soo waramaya in Diyaarad la rumaysanyahay inay leedahay Kenya ay ku soo dhacday halkaasi.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa sheegay in mid ka mid ah laba Duuliye oo diyaarada saarnaa uu ku dhintay goobta Diyaaradu ku soo dhacday.
Diyaaradan oo nooceeda iyo sababta ay u soo dhacday aan la xaqiijin ayaa noqonaysa diyaaradii labaad ee Kenya laga leeyahay ee sanadkan gudihiisa k bur-burta gudaha Somalia.
Diyaarad qaad siday ayaa bilo ka hor ku soo dhacday Degmada Gura-ceel.
Ciidamada Kenya ayaa ku sugan Gobollada Soomaaliya ee xuduudka labada dal xiga.
Sanadkii hore ayay ahayd markii diyaarad nooca iswada oo Maraykanku leeyahay ku soo dhacday Degmada Buull-mareer.
wixii war ka soo kordha la soco