Monday, May 12, 2014

Madax Dhaqameedkii Ka Yimid Somalia Oo Si Kedis Uga Baxay Somaliland, Sababaha Loo Aanaynayo Iyo Dareenada Ku Xeeran


madax dhaqameed




Madax Dhaqameedkii Ka Yimid Somalia Oo Si Kedis Uga Baxaya Somaliland, Sababaha Loo Aanaynayo Iyo Dareenada Ku Xeeran




 




Hargeysa, April, 12, 2014, (Saxanews)- Madax dhaqameedkii ka socda dalka Somalia ee maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Somaliland, ayaa la sheegay in maanta kuuu laabanayaan Magaalaaada Muqdisho oo ay todobaadkii hore ka soo kicitimeen.




Lama oga sababaha keenay in ay  deg deg uga baxaan Somaliland Madax dhaqameedkan ka yimid Somalia oo qorshahooduy ahaa in muddo todobaadyo ah joogaan Somaliland, ayaa safarkoodii ay ku joogeen Somaliland soo gaabiyey, ka dib markii sida la sheegay ay qaylo dhaan uga timid Muqdisho.




Weftigan  Madax dhaqameedka Reer Somalia oo shalay Socdaal ku tegay Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal oo qorshuhu ahaa in ay xalay u hoydaan, ayaa Hargeysa ku soo guryo noqday, markii heleen fariin uga timid Muqdisho, sida uu noo xaqiijiyey Suldaan Ibraahim Jaamac Samater  oo ka mid ahaa Salaadiintii Boorama ku marti qaaday Odayaasha Reer Somalia.




Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo aanu weydiinay sababaha ay deg deg uga soo laabteen Boorama, ayaa tibaaxay in ay Odayaashaasi soo gaabiyeen safarkooda qaylo dhaan Muqdisho uga timid awgeed, waxaanu yidhi  “Annagu waxaanu doonaynay inay  caawa (Xalay) joogaan Boorame oo sidaas ayuu qorshohoodu ahaa markii hore, laakiin arrin kedis ah oo ku timid awgeed ayey safarkoodii u soo gaabiyeen. Annaguna waxa aanu   doonaynay  inay illaa 18-ka May joogaan. Waxaana lagala soo hadlay Somalia oo arrin ka dhex taagan Baarlamaanka iyo Dawladda Somalia ayaa loogu soo qayliyey oo ay safarkoodii u soo gaabiyeen,  deg deg ayaanay u baxayaan oo Berri (Maanta) ayey Hargeysa ka baxayaan oo ay Muqdisho ku laabanayaan.”




Odayaashan reer Muqdisho oo todobaadkii hore soo gaashay Somaliland, ayaa muddadii ay joogeen waxa ay kulamo kala duwan la yeesheen Salaadiinta Somaliland, Xisbiyada Qaranka qaarkood iyo Ururadda bulshada Rayidka, kuwaas oo kala hadlay waxyaabaha Somaliland qabsatay 23-kii sano ee u dambeeyey iyo sida ay Somalia ay cashar ugu noqon karto.




 Xigasho Wargeyska SAXANSAXO




Wariye Mr Hudle




Gobanimonews@gmail.com




Hargeysa Head Office/Somaliland