Baydhabo(GNA)-Ma cadda tiradda dadka ku dhintay Weerar isqarxin ah oo ka dhacay galabta Magaallo madaxda Gobolka Bay.
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax xooggan uu galabta ka dhacay meel wax yar u jirta Dhismaha xarunta Shirkadda Dahabshiil ay ku leedahay Magaalada.
Qaraxa ayaa warbaahinta qaar sheegeen in lala eegtay Kolanyo ka mid ah Ciidanka Dawladda ee Magaaladaasi ku sugan.
Warar aan madaxbanaan oo laga soo xigtay sheegasho aan caddeyn oo Ururka Al-shabaab boggagooda lagu baahiyay ayaa sheegaya inay ku dhinteen qaraxaas ugu yaraan 12 qof oo Saraakiil ciidan ku jiraan.
Warbaahinta Xaradaka Alshabaab ayaa qaar sheegeen in weerarkaasi lagu bartilmaameedsan rabay Guddoomiyihii hore ee gobolka Bay Cabdi Fataax Geeseey, laakiinse ma cada in waxyeelo la soo gaarsiiyay Sarkaalkan
Isgaadhsiinta Magaalada ayaa Hawada laga saaray wax yar ka dib markii Qaraxu dhacay, inkasta oo markii dambe ay caadi ku soo laabatay.
Cabsi xooggan ayaa ka dhalatay weerarkan, sida ay wararku nagu soo gaareen.
Amaanka Magaalada ayaa caawa si weyn loo adkeeyay, waxaana meello badan la dhigay Ciidamo isugu jira kuwa dawladda iyo AMISOM.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com