Saturday, May 3, 2014

Xukuumada Madaxweye Siilaanyo Oo BUN Iyo BARIIS-CAD Ka Karsanaysa Kiiska Haatuf .


Hargaysa -(GNA)- Xukuumada Uu Madaxweynaha Ka Yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Oo Xilka Haysay Mudo Ku dhaw 4 Sanadood Ayaa Noqotay Xukuumadii Tacadiyada Ugu Badan U Gaysata Saxaafada Madaxa-Banaan  Iyadoo Intii Ay Olalaha Doorashada Ku Jirtay Ku Olalaysan Jirtay In Ay Xoriyatul Qawlka Taageeri Doonto Isla Mar Ahaantaana Ay Ilaalindoonto Madaxbanaanida Saxaafada   .




Xukuumada Talada Haysa Ee Uu Siilaanyo Hogaamiyo Ayaa Aan La Soo Koobi Karin Inta Wariye Ee Ay Xidhay Islamar Ahaantaana Dacwado Ku Soo Oogtay La Xidhiidha Hawlaha Shaqo Ee Ay U Hayaan Bulshada Uguna Guda Jiraan Raadinta Warar Xaqiiqo Ah .




 Xadhiga Ugu Badan Ee Ay Xukuumadu Ku Xidho Ama Tacadiyo Ugu Gaysato Warbaahinta Ayaa Yimaada Ka Dib Marka Ay Warbaahintu Warar Xaqiiqo Ah Oo Ay Dhibsato Xukuumadu Ku Qoraan Websiteyada/Jaraaidada  Ama Ka Sii Daayaan TV-yada .




Dhawaan Ayay Ahayd Markii Wargayska Haatuf Cadad-yadiisii Ugu Dambeeyay Ku Soo Qaatay Musuq-Maasuqa Baahsan Ee Ka Jira Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Gaar Ahaan Wasaarada Macdanta Oo Uu Sheegay In Uu Wasiirku Lunsaday Lacago Badan Oo Ay Ka Mid Ahayd Lacagtii Qaban Qaabad Xafladii Aqoosiga Somaliland Ee Shefild Iyo Lacago Kale Oo Badan Oo Uu Wargaysku Sheegay In Uu Hayo Cadaymo Ku Saabsan Oo Uu Isku Difaaci Karo . Xukuumadda Siilaanyo Uma Ay Aabo Yeelin In Ay Wadada Sharciga Ah U Soo Marto Wargayska Ka Qoray Dhaliilaha Ay Leedahay Ee Waxa Ay U Adeegsatay Awood Ciidan  Oo Ay Fuliyeen Ciidamada Gaarka Ah Ee Loo Yaqaano (Raga Reeraha Udaata) Loona Soo Gaabsado Magacooda  RRU  Oo Gabi Ahaanba Albaabada U Laabay Xarunta Wargayka Haatuf  .




Waxaa Xigtay Markii Wargayska Haatuf Xukuumadu Awood Kula Wareegtay Waxa Uu Wargaysku Barta Uu Internet-ka Ku Leeyahay Ee www.haatuf.net Ku Qori Jiray Intii Uu Ka Ogaa Musuqmaasuq Uu Sheegay Inay Ku Kaceen Maamulka Ugu Sareeya Ee Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo , Kadib Markii Ay Xukuumadu Ka Adkaysan Kari Wayday Ee Ay Gubeen Dhaliishaasi Waxaa Ay Maxkamadu Ku Amartay Shirkadaha Bixiya Adeega Internetka Somaliland Inay Gabi Ahaanba Ka Joojiyaan Websiteka Haatuf Ka Isticmaalka Internetka Shirkadahooda , Shirkada Fulin Waydana Ay Xukuumadu Ka Qaadi Doonto Talaabo Waafaqsan Sharciga Xukuumada Siilaanyo , Waxaana Xayiraadaa Lagu Soo Rogay Websiteka Haatuf Ee Dhinaca Internetku Suura Gal Ka Dhigaysaa In Aan Websetikaasi Laga Akhrisan Karin Guud Ahaanba Gayiga Somaliland Oo Shirkadaha Bixiya Internetku Ay Amar Haystaan .




Waxaa Kale Oo Ay Xukuumadu Soo Korodhisa In Cida U Dhaq-dhaqaaqda Xoriyatul Qawlka Iyo Madax-banaanida Saxaafada Iyo Ka Hadalka Xidhnaanshiyaha Wargayska Haatuf Ay Si Baal-Marsan Sharciga   Xabsiga Ugu Taxaabto , Maanta Ayay Ahayd Markii Mid Kamida Basaska Ka Dhex Shaqeeya Caasimada Somaliland Ee Hargaysa  Oo Uu Mulkiilaha Baabuurku Ku Nabtay Gaadhigiisa Istiikar Uu Ku Qoran Yahay FREE HAATUF AND HUBAAL Xabsiga Loo Taxabay Iyada Oo Aan Lana Garanayn Cida Amarkaas Bixisay Lagu Xidhay Mulkiilaha Baabuurka  Ka Hadlay Madaxbanaanida Saxaafada .




Si Kastaba Ha Ahaate Dhagaysiga Kiiska Loo Haysto Wargayska Madaxa Banaan Ee Haatuf Ayaa Loo Mudeeyay In Uu  Qabsoomi Doono Maalinta Axada Ee Ay Bishu Tahay 04/05/2014 Waxaana Aan La Saadaalin Karin Sida Ay Xukuumadu Ka Yeeli Doonto Dacwada Haatuf , Waxaana Maalmahan Dambe Dadweynuhu Isladhex-Marayaan  In Xukuumadu Ilaa Maalitii La Mudeeyay Dhagasiga Dacwada Haatuf Ay Golaha Waasiiradu Iskugu Iman Jireen Saacado Gaara Qasriga Madaxtooyada Iyagoo BUN IYO BARIIS-CAD Logu Soo Samayn Jiray Si Ay Ugaga Ducaystaan Kiiska Dacwada Wargayska Haatuf .