kooxda Barcelona ayaa u dhow inay ka hadhay dagaalka horyaalka La Ligaha kadib markii ay dhaafi weyday kooxda Getave oo daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta goolkii barbar dhaca la timid , kulankii gallabta ee ku dhamaaday 2-2.
Daqiiqadii 92 aad gool uu shabaqa dhigay Lafita ayaa dahaadh adag ku gedaamay rajadii kooxda Barcelona ee halganka horyaalka Spain ee La Liga, ciyaartan lagu qabtay garoonkooda Camp Nou.
Barcelona ayaa ku horeysay gool dhalinta waxaana u daah furay Messi daqiiqadii 24 aad ee ciyaarta , waxaase barbar dhac ku soo celiyey, Lafita oo shabaqa taab siiyey kubad minute kii 39aad ee ciyaarta , qaybtii horena waxay ku dhamaatay , Barca 1-1 Getafe.
Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa markale Barcelona weeraryahankeeda Alexis Sanches uu daqiiqadii 68 aad gool u horseeday , waxaase ayaandaro ku dhacday Blowgrana markii Laacibka Getafe ee, Lafita uu markale kooxdiisa ku soo celiyey tartanka, goolkii barbardhacana u keenay wakhti daayacii lagu daray kulanka oo sii dhamaanaya, goolkaas oo hanaqa jaray Barca demiyeyna sawaxankii taageerayaasha Cam Nou soo buux dhaafiyey.