Friday, May 9, 2014

Somalia: Walaacyo laga muujiyay Abaarta oo sababtay Biyo iyo cunto yaraan


Golaha Wasiirrada oo ku dhawaaqay xaalad bino-aadanimo...




Golaha-Wasiirada2Muqdisho, May 08, 2014 —(GNA)- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.




Shirka golaha wasiirada ayaa maanta si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray dhibaatada cunta yarida iyo gabaabsiga biyaha ee ka jira dalka Soomaaliya.




Golaha Wasiirada ayaa markii ay dood dheer ka yeesheen xaaladda abaaraha iyo cunta yarida dalka, waxay ku dhawaaqeen in waddanka ay ka jirto cunto yari iyo gabaabsi dhinaca biyahaa ah.




Golaha ayaa tilmaamay in gobolada ay dhibaatadani saamaysay ay ugu badan yihiin Bakool, Hiiraan iyo Galguduud oo qaybo ka mid ah Al-shabaab laga saaray, waxana ay sheegeen in dowladda Soomalaiya ay guddi qiimayn ah u saartay dhibaatadan abaaraha, islamarkaasina gargaar loo fudin doono dadka dhibaataysan.




Dowladda Soomalaiya ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka inay kaalmo u fidiyaan dadka ay dhibaatadu saamaysay iyadoo goluhu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kaalin hoggaamineed qaadanayso.




“ Dowladda Soomaaliya markii ay qiimaysay xaaladda abaaraha ee dalka ka jirta waxay ku dhawaaqaysaa in dhibaato cunto yari iyo gabaabsi dhinaca biyaha ah ay ka jirto dalka Soomaaliya. Gobolada ugu daran ee ay dhibaatadani saamaysay waxaa ka mid ah Bakool, Hiiraan iyo Galguduud” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku.




 waxana uu raaciyey“ Xukuumaddu waxay samaynaysaa dadaal kasta oo gargaar lagu gaarsiinayo dadka dhibaataysan, waxana ay beesha caalamka ugu baaqaysaa inay naga gacan siiyaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa”.




Qaramada Midoobay




Dhinaca kale, Qaramada midoobay ayaa walaac ka muujisay cunto yaraaanta Soomaaliya iyo biyaha gabaabsiga ah, waxaanay ka digtay xaalad bino-aadanimo oo Gobolka ku soo fool leh, oo ka hor tag u baahan.




Sarkaal u hadlay xafiiska gargaarka ee Qaramada midoobay, ayaa sheegay inay xaalad soo noqnoqnaysa ay tahay nolol xumada ka dhalata biyo yaraanta iyo cuntada ee Soomaaliya ka jirta, sababo la xidhiidha abaaraha iyo amni darada.




Roobka guga ayaan wali la di’in Gobolo badan oo Soomaaliya ka mid ah, taasoo ah sababta keentay xaalada qalafsan ee soo waajahday bulshada la tabaalaysan ammaan darada laga soo kabanayo.




Deegaamada qaylo-dhaantu ka soo baxayso ayaa waxa ka mid ah qaar ay hore u go’doomiyeen gulufka u dhexeeya ciidamda dawladda iyo Alshabaab.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com