Sunday, April 20, 2014

Xuska 18 May iyo soo jeedinta Mawliid Kibaar


kib5Waxa muddo kooban inaga xigtaa xuska maalinta 18 ka may, taasi oo ah maalin ku suntan la soo noqoshada madaxbanaanida Somaaliland , taas oo 22 sano ka hor lagaga dhawaaqay gooni isku taaga jamhuuriyada Somaaliland magaalo madaxda gobolka togdheer ee Burco, kadib  halgan dheer oo naf iyo maalba leh uu Illaahay  marlabaad gacanteena soo galiyey xornimadeena, oo runtii inagu taagan qiimo aad u sareeya oo aan la soo koobi Karin.




Dhamaan shacbi weynaha reer Somaaliland  gudo iyo dibadba waxay soo xusayeen maalinta 18 may mudo 22 sano ah hadba marxalad ay joogtayba. Waxan jeclaan lahaa in aan wax ka idhaahdo ama aan talo ahaan ugu soo jeediyo madaxda iyo shacbi weynaha Somaaliland oo dhan in wax laga bedalo nidaamka aan u xusno maalintan qiimaha iyo qaayaha leh ee 18 may. Waxan wada ogsoonahay in nidaamka aan u soo xusaynay 22 kaa sanadood ee ay somaaliland jirtay uu ahaa in dadwaynuhu fagaarayaasha iskugu soo baxaan oo ay calanka somaaliland soo qaataan, madaxda qarankuna ay sidii caadada inoo ahayd ay kala hadli jireen dadwaynaha fagaarayaashaa ay iskugu soo baxeen, habbeenkiina xaflado kala duwan lagu qabato meelo kala duwan, sida hudheelada magaalooyinka ku yaala, taas oo lagu soo bandhigo heeso iyo nidaam aan runtii aad u wanaagsanayn kaas oo ka hor imanaya anshaxa diinta islaamku ina farayso.




Dhinac kale haddii aad ka fiiriso xafladahaas iyo kharashka ku baxa, runtii waa mid aad u badan oo inaga kafayn lahaa waxyaabo badan oo manfac iyo magacb inoo leh if iyo aakhiro labadaba.




Tirada guud ee dadka (Population) Somaliland waxa lagu qiyaasaa seddex malyan iyo badh illaa afar milyan oo ruux (3500,0000-4000000). Hadaba haddii laba milyan (2,0000000)oo qof bixiyaan min hal doolar maalintaa 18 may waxay xisaabtu soo baxaysaa (2,0000000x$1=$2,0000000USD) laba milyan oo dolar. Haddaba inaga oo halkii u hoosaysay aan ka soo qaadanay min-qiyaaskeenan, haddana waad arkaysaa lacagta inoo soo baxaysa xadigeedu inta uu leegyahay.




Waxa ayaan daro inteeda leeg ah in ay inaga baxdo aduun lacageed oo intaas leeg in ay haddana xaalad nololeed oo liidata ku jiraan naafadii iyo xaasaskii ka hadhay mujaahidiintii SNM ee u soo halgamay xornimadan aan maanta ku naaloonayno, waxana abaalkoodii looga dhigay in muusig iyo qoob ka ciyaar lagu dul qabsado, halka ay qumanaan lahayd in aan wax dhaama ku qabsano kharashkaa waxan wax dhaama.




Haddaba maalinta qiimahaas aan soo sheegnay ugu fadhida qaranimada Jamhuuriyada Somaliland ma waxan ku Xusnaa nidaam aan ina anfacayn waligeen, mise waxan uga diga-roganaa sidan si dhaanta.




Nuxurka soo-jeedintayda aan rabo in aan u soo bandhigo Dawlada iyo Shacbiga labadaba, Dawlada mid baan odhan lahaa, Shacabkana Mid baan odhan lahaa.




Dawlada mid baan odhanayaa oo, madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jirtee in ay Dawladu Qorshe ka yeelato nidaamka loo xusi doono 18 MAY yada soo socda, tusaale ahaan Sanadkan waxan awooda saaraynaa in aan wax ka qabano dhinaca Biyaha, Sanadka ku xiga Dhinaca Wadooyinka ayaan wax kaga qabanaynaa lacagta inoo soo baxaysa, Sanadka Seddexaad (3) aad waxan caawinaynaa Mujaahidiintii iyo Xaasaskii ka hadhay.




 




Dadwaynahana mid baan leeyahay, walaalayaal maalintan 18 MAY waxan u xusnaa nidaam aan faraxgalinayn dadkii u soo halgamay xornimadan inagu taagan qiimaha aadka u sareeya. Waxay taladaydu tahay in aan nidaam caawimo aan u bedalo sidan aan hada u xusno, tusaale ahaan in aan lacago iska ururino, dawladana ku wareejino si wax qabad la inoogu qabto.




Waa in aan inagu is aqoonsanaa inta aan cid kale ka sugayno aqoonsi. Waa in aynaan caawimo dawlado kale ina siiyaan aynaan ku xisaabtamin ee aynu inagu isku tashano oo aan lacagtan inaga lumaysa aan galino wax waxtar inoo leh……




Qalinkii Mowliid Cumar Kibaar




Email cabqari1979@gmail.com




Tell 002522-063-4412857.