Sunday, April 20, 2014

Wariye C/fataax Mursal oo “Waaran” soo qabasho ah loo jaray


“Dhawaaqyada lagu dhaleecaynayo dhibaatooyinka Wariyeyaasha iyo kuwa lagu dalbadanayo dhawrista xuquuqda ayaa ku dhacaya dhego aan waantoobayn…”GNA




mursaHargeysa(GNA)-Warar laysla dhex marayo ayaa sheegaya in Wariye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo Tafaftire ka ah Mareegta Aftahannews waaran soo qabasho ah loo soo jaray, kaasoo ay Bilaysku raadinayaan.




Wali Warbaahinta looma soo bandhigin Waaranka xadhiga wariyaha lagu dalbaday.




Hase yeeshee wararka ayaa sheegay in Hay’adddaha Dambi baadhista loo gudbiyay Waaranka soo qabashadiisa Suxufigan, sida ay Gobanimo u sheegeen ilo xogogaal ahi.




Dhinaca kale, Wariyaha oo aanu la xidhiidhnay si aanu arrintan wax uga waydiino ayaa sheegay inuu maqlay arrintaasi balse wax waaran ah oo wali soo gaadhay aanu jirin.




Wariyaha ayaa sheegay inaanu ilaa hadda ogayn wax dambi ah oo uu galay oo hadiiba waarankaasi jiro lagu eeddeyn karaa,marka laga yimaaddo hawlaha warbaahineed ee uu ka shaqeeyo.




“ma jirto cid ay dacwad maxkamaddeed noo socoto oo hadii waaranku jiro farta lagu fiiqi lahaa, laakiinse sidaa ayuunbuu warku igu soo gaadhay”ayuu yidhi.




Xukuumadda Somaliland ayaa sii kordhisay xad-gudubyada ka dhanka ah Suxufiyiinta sanadkan,waxaanay albaabadda u laabtay ilaa hada inta la ogyahay laba wargeys oo Madaxbanaan.




Talaabooyinka xukuumadda Siilaanyo ku cabudhinayso Saxaafadda ayaa walaac ku abuuray daneeyayaasha Caalamiga ah ee waddanka ka taageera dimuquraadiyada iyo siyaasadda.




Gabbood fallada ayaa u muuqda aanay dheg jalaq u siinayn dhaleecaymaha looga soo jeedinayo.




Tiro wariyeyaal ah ayaa sanadkan gudihiisa xabsi iyo Tacadiyo kale loo geystay, kuwaasoo qaarkood bishii Feberaury waddar lagu qabtay, halka kuwo kalena Hanjabaaddo iyo hadiidaad kale loo geystay.




Ururrada Saxaafadda Somaliland ayaa wali dalbanaya inay xukuumaddu joojiso xad-gudubayda sii badanaya ee lagu hayo warfidiyeenadda.




Hase ahaatee baaqyada SOLJA iyo Ururadda kale ee Caalamiga ah ayaa ku dhacaya dhego aan naxariis iyo nugayl toona u lahayn oo dhalanteed u haysta.




Wariyeha hada bilayska lagu balamiyay ayaa hore uga tegay mid ka mid ah Wargeysyada xukuumadda gacan-saarka la leh.




Si kastaba ha ahaatee  Bulshada rayidka ah ee Somaliland, Golleyaasha Xeer dejinta, Asxaabta Siyaasadda iyo cid kasta oo ixtiraamaysa qawaaniinta Dastuurka iyo xeerarka dalka ayaa looga baahanyahay inay difaacdo jiritaanka Saxaafadda dabaqaysa awooddaha Dastuuriga ah ee ay xukuumaddu tir-tirayso.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com