Sunday, April 13, 2014

Xildhibaanada Mucaaradka Sheffield Oo Sheegay inay Qadiyada Somaliland geynayaan Caalamka


Maayarka Sheffield Vickie Priestley




Xildhibaanada Xisbiyada Mucaaradka  Sheffield Oo Sheegay In Ay Qadiyada Somaliland Gaadhsiin Doonaan Fagaarayaasha Caalamku Ku Kulmaan




 




Waxa Si Gaar Ah Farxad Kale Noogu Ah In Aanu Si Taariikhi Ah U Codeynay “Moyarka Sheffield Vickie Priestley




Waxa Aanu Idin La Gaadhsiin Doona Arinta Eu-Da ,Afrikan Union Iyo Qaramadda Midoobay“Xildhibaan  Shaffaq Mohammed 




Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaaladda Sheffeild, ayaa si mug leh uga hadlayey sababihii ay u aqoonsadeen Somaliland iyo qaabkii looga dhaadhiciyey in ay ku dhiiradaan codayntii ay ku aqoonsadeen Somaliland horaantii bishan.




Xildhibaanadan oo ka tirsan sadexda Xisbi ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa si isku mid ah u sheegay mar ay ka hadleen Kulan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed (Cirro) uu la yeeshay Raysal Wasaare ku xigeenka Ingiriiska Nick Gleg iyo Duqa Magaaladda Sheffield Vickie Priestly oo Xarunta Golaha Deegaanka ee Sheffeild ka qabsoomay ayey Xildhibaanaddani sheegeen in ay sii wadi doonaan taageerada Aqoonsiga Somaliland iyo sidii ay waddamada kale uga dhaadhicn lahayd.    




Duqa Golaha Deegaanka  Magaaladda Sheffeild    Vickie Priestley    kana soo jeeda  Xisbiga (Liberal Democrats)  Vickie Priestley  oo ka hadlaysay Aqoonsigii ay golaheeda deegaanka ee magaaladda Sheffeild siiyey Somaliland iyo sida ay u aragto waxa ay tidhi  “Waxa ay  Xaqiiqadii noo ahayd Farxad iyo Sharaf in aanu taariikhda ku sameyno oo ku galo Aqoonsiga Somaliland, waxana si gaar ah farxad kale noogu ah in aanu si taariikhi ah ugu Codeynay Aqoonsiga Somaliland, waxa aan odhan karaa waa mid Weji fiican Aqoonsiga Somaliland  noqon doonta, waxana aan u rajeynayaa in wax walba Xaqiiqadii Somaliland  si fiican ugu shaqeyn doonaan aniga oo  filaaya sidii hore loo yidhi inay Taariikhdu qori doonto Golaha Sheffield go’aankii ay qaateen iyo inta soo raacdaaba”








 




Xildhibaan  Shaffaq Mohammed  ah Mudane ka tirsan Golaha Deegaanka ee Sheffeild  kana  soo jeeda Xisbiga  Liberal Democrats  ee dalka Ingiriiska oo isna halkaasi ka hadlay,  ayaa ku dheeraaday dedaalka weyn ee Jaaliyadda reer Somaliland ee Sheffield ku dhaqani gaar ahaan Guddida Jaaliyaddu ay u galeen Mooshinkii  ay ansixiyeen golahiisa deegaanku waxanu  yidhi  “Maanta waa maalin taariikhi ah waxa aan golaha Sheffield ka  mid ahaa mudo 10-Sanno ka badan mana ogeyn aqoona uma lahayn Somaliland wixii ka horeeyey maalintii Mooshinka na loo keenay oo rag badani ka soo shaqeeyeen, waxa ii yimid mid  ka mid ah Guddida reer Sheffeild ee Somaliland runtii guddida Jaaliyadda reer Somaliland kaliya Qadiyada Aqoonsiga Somaliland uun noomay soo bandhigin ee tiro ka mid ah Xildhibaanadda Council-kayagu waxa aanu waydiinay  Su’aalo kale oo ay ka mid ahaayeen waa maxay Somaliland maxay muhiim u tahay in aanu aqoonsi siino , Juquraafi  ahaan xagay ku taala iyo Taariikh noocee ah ayey Somaliland leedahay”




Md. Shaffaq Mohammed oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi   “Waxaan anigu qabaa Bulshadda Jaaliyadda ee Somaliland halkan u jooga inay Shaqo Cajiibo qabteen waxa  ay kor u qaadeen Taariikhda dalkooda,isla markaana Qadiyada Somaliland ayey  Cadaanka u soo saareen waxana aan qaba inay Bulshada Caalamku imika si balaadhan uga hadli doonto Somaliland, waayo markii hore arinta Somaliland waxa ay aheyd  mid si hoose loo falanqeeyo, waxana aan aad ugu han weynahay in aan taageero ka geystay Qadiyada Somaliland, waayo waxa aad hesheen taageeradii koox kasta waxana aanu ahayn Mudaneyaal Saddex Xisbi ka soo kala jeeda Council-kayaga reer Sheffiel dhamaantayo si buuxda ayaanu idiin taageernay,  idiinkuna codeynay anaga oo isku dhan ,runtiina tani waa talaabadii ugu horeysay oo hor dhac u noqon doonta Safar dheer waxaana  cad in aanu idin la jirno (Somaliland ) waxana aanu idin la gaadhsiin doona arrinta EU-da ,Afrikan UNION iyo Qaramadda Midoobayba, waxana aanu rajeynaynaa in si fudud tu la mid ah sidii aanu idiinku Codeynay aad Aqoonsigiina uga heli doontaan haddii ALLE idmo waxa aanu ka dhursigu doona waxa qoran waxana aan idiin sheegaya Jaaliyadda reer Somaliland ee Sheffeild iyaga la’aanteed marnaba maanaan codeyneen oo Somaliland kuma aqoonsaneen waayo iyaga ayaa koox koox iyo shaqsi shaqsi noola kulmay oo nagu qanciyey marka mahad oo dhan iyaga ayaa leh oo hawsha qabtay”








Xildhibaan Jillian Creasy   oo ah Haweenay mudane golaha deegaanka Sheffield kana tirsan Xisbiga Green Party ,  ayaa  ku dheeraatay  Xusuusta ay ku leedahay Aqoonsiga ay  golaheeda deegaanku 2 Abril ee Bishan siiyeen Somaliland waxaanay tidhi  “Waxa ay ahayd maalin Xasuus mudan oo aanan ilaawi Karin 2 Abril ee 2014-ka oo taariikhi ahayd, waxana ahay Mudane ka tirsan golaha deegaanka Sheffield  halkaasi oo runtii dad aad u tiro badan oo reer Somalilanders ahi ku nool  yihiin,waxana aan aqbalay in aan dadkani rabitaan kooda  Xishmeeyo oo  la farxo oo la joogo ,arinta aan dareemay ee aan rabo maalintii ugu horeysay ee aan u imid,maalintii Codeynta Council-ka ee aanu Aqoonsanay Somaliland,maalmihii ka dambeeyey ee Dabaal degyada iyo maanta oo aynu halkani joogno waxa aan leeyahay wax kasta oo ka dhaca Somliland anigu ka haween  haan waxa ay rabaan haweenka reer Somaliland ayaan la rabo haa taasi ayaan raba oo ah inay Nabadge taas ayey rabaan inay iyaga iyo Ubadkooduba nolol nabadgelyo ah ku noolaadaan ayey rabaan waxa ay u baahan yihiin wax kasta oo suurto gal sida aqal Cunto Caafimaad iyo deegaan fiican haweenka reer Somaliland iyo caruutoodu waana muhiim inay intaasi iyo waxii kasta ee ay rabaan helaan”








Md  Jackie Drayton   oo ah Xildhibaan golaha deegaanka ee Sheffeild ah kana soo jeeda Xisbiga Labour  ka ee dalka Ingiriiska oo Jaaliyadda reer Somaliland ee reer Sheffield  ku  amaantay hawl karnimo iyo horumar ay Sheffield gaadhsiiyeen waxa ay tidhi “Wixii halkan (Council-ka Sheffield) ka dhacay waxay ahaayeen wax cajiib ah oo yaab leh waananu isku wada raacnay in aanu u codeyno anaga oo Xisbiyo kala duwan ah runtii in aanu Somaliland aqoonsano dhamaantayo waxana aan u arka inay Somaliland tahay Saaxiibo Jaar,waayo waxa aan ogahay waxa ay bulshada reer Somaliland ee halkan Sheffield joogta ay gashadeen dalkeena waayo way barwaaqeeyeen dhulkii oo dhan waxa aad keenteen halkan Waayo aragnimadiini,Cilmigiini iyo Xoogiinii intiiba waxana aan odhan karaa kor ayaad u qaadeen deegaankeena Sheffield hadii aad tihiin umadda reer Sheffield waxana aan odhan karaa sidii aan horeba golaha uga hor sheegay Aqoonsiga ay Magaaladayadu idin siisay waa mid yar oo hore loo qaaday kaasi oo aad ku gaadhi kartaan kuna tegi kartaan Jidka ama wada dheer ee Aqoonsiga aad Xuquuqda u leedihiin waxana kale oo aan idin leeyahay anagu meel kasta oo aad nooga baahataan si aad u xaqiijisaan Aqoonsiga aad dalkiina la rabtaan waanu idiin raacaynaa Albaab kastana waanu idin la garaacaynaa waanad mahadsan tihiin xata hadii ay idin siin waayaan anagu qalbiga ayaanu idin kala soconaa oo idin kala jirnaa mar kasta”




Source by Wargeyska Saxansaxo




 Gobanimonews.




Hargeysa Office