Sunday, April 13, 2014

Dawladan Kulmiye Waxaan U Bixiyey Kashifa


bal imika daawada maalinba nin shaadhweyn iyo kaba waaweyn inoo sitay baa isagoo kaba la odhan mayno isagoo qaawane suuqa is keenaya




SC, ilaahow hana kashifin baa lagu ducayaysta




Intii dawladan uu gadhwadeenka ka yahay Halgame Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo talada dalka la wareegtay waxaa kashifmay waxyaabo badan oo dadka caadiga ah ka qarsoona oo xaal mastuur shiraac saaran yahay ah.




waxaa jirey dadyow shaadhadh aanay lahayn oon le'eekayn sitay oo hadda xaqiiqadoodi caruur iyo cirooleba ogaadeen oo haddad dadka caadiga ah weydiiso hebel ka waran ku odhanaya ka haygu soo qaadin iyo maahmaahdii cigaal shidaad ee ahayd  geedyohow ma waxaan ku moodayey mise waxaad noqotay ku dheraan maayo dowladan maanta jirta waxay umaddi tustay in dalkan hagardaamooyin badani ka jireen oo nasiib darada jirta tahay intii loo haystay  inay saaxiib la yihiin umadan miskiinka ah ee dhibaatada badan loo geystey laga soo bilaabo gumeystihii, dowladihii rayidka ahaa iyo tii kacaankaba oo wax loo qabtay marnaba aanay jirin o in badan ka dambeysa aduunka in markii ilaahay u soo diray dad u daacada oo dadkooda iyo dalkooda u diir naxaya in qawlaysato dhufaysyada kaga soo baxan waa ayaan darro laakiin.




hasa yeeshe aduunyada qofkii sii jooga isbedelo badan arki karo.




Chinaba marbuu duruufteeno kale ku jirey laakin hogamiyaal uu horseed u ahaa Mao tsi tong aya bedeley sidan ay maanta Halgame Madaxweyne Axmed Silaanyo is bedelka horaantiisi muuqato uga suurta geliyey dalkeena waxaa shaki la ah in kooxo kasoo hor jeeda jirayaan ilaa inta laga adkaanayo oo u baahan sabir waayo khairka iyo sharku ilaa maalinta la xisaabtamayo dagaal bay iskula jiraan waxaana mar kasta adkaada ninka khairka u hiiliya.




bal imika daawada maalinba nin shaadhweyn  iyo kaba waaweyn inoo sitay baa isagoo kaba la odhan mayno isagoo qaawane suuqa  is keenaya oo kashifmay ilaahay baa kashifay waayo umad miskiina oo saboola bay waxooda muddo badan cunayeen bal se imika ilaahay kashifay oo dowladan sabab uga soo dhigay meyd maxaa u dambeeyey iyo kaa la sii sido




bal ninkii Haatuf wax ku qori jirey halkay la marayso eega qalinkuu ku afxoogleyn jirey oo masuuliintii dawladii hore ugu hanjebi jirey oo xoolo xaarana ka qaadan jirey tiibu ula yimi dawladan maanta jirta oo isaga iyo qayrkii xoolihii la siin jirey wax loogu qabtay umada markaasu is yidhi ileyn bahal ceedhin madaayo nina caadadi ma baajee qalinkaagii iyo xaashidaadii aad baadilka ku raadin jirtey isticmaal qoladanina ileyn iyagaaban afka saarayne oo nin qaad cuna ama sigaar cabaaba kuma jire ay kashifaadi timaado.




waxaan intaa raacinaya waxaa soo baxaya mareego ku caanbaxay inay dalkooda hagardaamooyinkiisa ka shaqeeyan oo kuwa xumaha iyo baadilka qorayana ay buunbuuniyaan kuwa wanaaga qorayana aanay qorin waxay la mid yihiin kuwa horumarka dalkooda dhufayska ugu jira.




 




 waa mahadsantihiin.




Cabdalle Sahal