Sunday, April 20, 2014

Waran-cadde oo Hargeysa ku soo laabtay iyo Dilal ka dhacay Caynaba


Wasiir Waran-cadde oo Gabiley Habeen ugu dhaxay dhacdadii Itoobiya ka dacwootay iyo Dhiillooyinka Dilalka oo Saraar look al-tirinayo+ Bilayska oo ka hadlay dil maanta dhacay




Maxay dawladdu wax uga qaban wayday ma waxay ka sugaysaa marka xaaladdu faraha ka baxdo?




waran caddeGabiley(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha laanta Socdaalka Somaliland ayaa ka soo laabtay booqasho hawleed ay saddexdii maalmood ee u dambeeyay ku joogeen Gobollada Awdal iyo Gabiley oo ay shirar dhaqameedyo amniga lagu dardar gelinayo iyo kuwo is-xogwaraysi ah ay kula yeesheen hogaanka Bulshada iyo saraakiisha Laamaha dawladda.




Waran-cadde iyo Gabiley




Waran-cadde ayaa Khamiistii Boorama ka furay Shir balaadhan oo Madaxdhaqameedyada saddex Gobol galbeedka Somaliland isugu yimaadeen, kaasoo lagaga hadlayay qodobo la xidhiidha adkeynta nabad-gelyada iyo Xasiloonida.




Sidoo kale, waxa uu shalay gelinkii dambe ku soo caraabay dhinaca Gobolka Gabiley, halkaasoo uu xalay ilaa Maanta gelinkii hore kulamo gooni-gooni ah iyo kuwo guud kula yeeshay Hogaan dhaqameedka, Xildhibaanada Goleyaasha Deegaanka iyo laamaha kale ee dawladda.




Kulamaddaasi ayaa looga wada hadlay sidii ay hormuudka Bulshada ee Degmada iyo Gobolku kaalintooda uga qaadan lahaayeen dhawrista ammaanka iyo horumarinta addeegyada aasaasiga ah.




Sida ay Gobanimo xogo hoose ku heshay, kulamada Wasiirka iyo dhinacyada Gabiley dhex maray waxa ku lamaanaa arrimaha caamka ah kuwo kale oo gaar ah oo ay wax iskaga waydiiyeen dhacdadii dhawaan ka dhacday Kaantaroolka Kalabaydh ee saraakiisha Itoobiya sheegeen in lagu baadhay iyo xiisad u dhaxaysa Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Gabiley iyo Maayirka.




Ma jiro wax war ah oo shirarkaasi ka soo baxay , balse waxay wararku intaasi ku darayaan inay jireen qodobo ay wasiirka iyo dhinacyada uu la kulmay is-faham ka gaadheen iyo kuwo gadaal looga balamay.




Wasiirka oo ay safarkiisa Gabiley iyo Boorama ku wehelinayeen xubno ay ka mid yihiin La-taliyihiisa dhanka Siyaasadda Ambassador Axmed Xasan Cigaal, Taliyaha laanta Socdaalka iyo Maayirkii hore ee Gabiley Khadra Xaaji Gaydh, ayaa dadka reer Gabiley u arkeen in ujeeddada imaanshiyihiisa Gabiley salka ku hayso u kuur-gelida Kiiska Saraakiisha Dawladda loo heysto ee dawladda itoobiya Dhibanaha ka tahay.




Ka sekow Shir hoosaadyada ay la yeesheen Reer Gabilay , waxa uu kulan balaadhan oo warbaahintu goob-joog ka ahayd la yeeshay Madaxda dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka, kaasoo uu kaga hadlay socdaalkiisu arrimaha uu darnaa.




Ugu dambeynna waxa ay dhinaca Magaalada Hargeysa u soo baqooleen weftigu Duhurnnimadii maanta xili ay cadceedu aad u kullulshahay, iyagoo abaaro labadii soo galay Hargeysa.




Dilal ka dhacay Saraar




Socdaalka Wasiirka ayaa imanaya xili ay muddo lix maalmood guddahood ah laba Dil ka dhaceen Gobolka Saraar ee dhinaca  Bariga oo sanadihii u dambeeyay falal amni daro oo soo noqnoqday ka dhaceen.




Sida ay wararka aanu ka helnay Gobolka Saraar sheegayaan, waxa  waxa maanta degmada Oog lagu dilay Marxuum Magaciisa lagu sheegay Faarax Cismaan oo u shaqayn jiray Shirkadda Laydhka ee Beder, kaasoo uu dilay nin kale oo ay shirkadda ka wada shaqeeyaan.




Dilkan ayaa loo adeegsday Xabad, waxaana ka hadlay taliyaha bilayska ee Degmada oo sheegay in la qabtay Ninka gestay oo Magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cismaan Cilmi.




taliye bi“Saaka halkan ka waxa ka dhacay shil oo nin-baa ku dhintay, ninkaana xabbad-baa ku dhacday oo waala dilay, ninkii dileyna waanu qabanay oo ILAAHAY wuu nagu guuleeyay qabashadiisa, waxaanuna isku dhaafinay Gobolka, ninkii la toogtayna isaga oo dhaawac ah ayaa loola cararay (Cisbitaal), laakiin sida aanu warka ku helnay wuu dhintay, Alle ha u naxariisto ayaanu leenahay”sidaasi waxa yidhi Taliyaha Bilayska Kabtan Yaasiin Bille.




Todobaadkii hore badhtamihiisii ayaa dil kale oo Nin beeralay ah lagu khaarajiyay ka dhacay Degmada Jaleelo u dhexaysa Caynabo iyo Waddaamo-goo.




Sidoo kale bilihii Feberaury, Janaury iyo March ayaa ugu yaraan saddex Dil ka dhaceen Degmada Oog  iyo Gumburo Xangeeyo.




Dadka Deegaanka ayaa Gobanimo u sheegay inay dilalkan inta badan ka dhashaan aannooyin hore, Muran dhul ama khilaaf kale oo basiid ah, sababtana ay qayb ka tahay Bilayska Gobolka oo aan hawl kar ahayn.




Waa dilkii afaraad ee inta la hubo sanadkan ka dhacay  Gobolka, marka laga tago iska hor-imaadyo beeleed oo iyaguna ka dhacay deegaamo jiiraan la ah Gobolka.




Gobanimonews




Gabiley Office




Email: editor@gobanimonews.com