Sunday, April 20, 2014

Maxaabiis ka baxsaday Jeelka Hargeysa oo Askari Toogasho ku dilay


AskariHargeysa(GNA)-Wararka aanu helnayno Ilaaladda Xabsiga dhexe ee Caasimada Hargeysa ayaa sheegaya inay goor dhaweyd ka baxsadeen ugu yaraan inta la ogyahay laba Nin oo Maxaabiista Argagixisada u xidhan ka mid ah.




Nimanka ayaa la sheegay in lagu war helay markii ay gudaha Jeelka ka baxeen, ka dibna ciidanka Ilaalada Jeelku isku dayeen inay gacanta ku soo dhigaan.




Maxaabiistan ayaa la sheegay inay iska difaaceen Ciidanka, isla markaana rasaas kala hor yimaan.




Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimo u sheegay inay ugu yaraan Hal Askari Xabaddi ku dhacday, kaasoo dhaawac la soo gaadhsiiyay u dhintay.




Askarta ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah labada Maxbuus kii kalena wali lagu daba joogo oo aanay soo qaban, inkasta oo aanay wali wax kala caddaaday jirin.




Rasaas xoogan ayaa abaarro labadii Duhurnimo iyo badhkii laga maqlayay agagaarka Jeelka dhexe ee Magaalada Hargeysa.




Xabsiga ayaa ka dhisan meel aad u cidhiidhi ah oo Xaafaddo dhinacyada ka hareeraysan yihiin.




Ugu yaraan laba jeer oo  hore ayay sidan oo kale uga fakadeen Rag Argagixiso u xidhnaa.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Ilaalada Jeelasha Somaliland.




Kala soco wixii war ka soo kordha.