Sunday, April 13, 2014

War Deg Deg Ah : Ardayda Jaamacada Hargeysa Oo Mudaharaad Sameeyey ay kaga soo horjeedaan Lacag Kordhin ah


War-Deg-Deg-ah




(Hargeysa)  GobonimoNews  Mudaharaad balaadhan ayaa saaka ka dhacay  Hargeysa kaasi oo ay mudaharaadayeen arday dhamaan jaamacada hargeisa dhigta ,oo ay ka mudaharaadaayeen lacag kordhin ay sheegayeen in ay sameeyeen maamulka jaamacada hargeisa .




Ardayda jaamacada hargeysa oo wada mudaharaad salmi ah oo cabasho la hortagayey wasarada waxbarashada somaliland ayaa waxa halkaasi ku soo qaaday weerar ciidanka booliska soomailand .




Sida ay ilo xogogaal ah u sheegayaa shabakada wararka ee Gobonimonews waxa ilaa hada la xidhay arday badan oo ilaa 50 qaadaya oo ciidanka boolisku gabgabteen.




Sidoo kale waxa la sheegayaa in wariyaal la xidhxidhay goobtasi mudaharaadka ku sugaynaa ilaa hada waxa la sheegayaa in la xidhay wariye Najax Cunaaye oo Agaasimaha website Hadhwanaag News 




ilaa hada lama oga khasaaraha ka dhashay muduharaadkaasi rabashadah watay , waxaanay ciidanku boolisku xidheen wada biriijka ka talowda ee jaamacada hargeisa tagta .




Wixii faafaahin ah ee arintaasi ka soo korodha waa idinla socodsiin doonaa 




 




GobonimoNews




Yacquub Shirbaaye