Hargeysa(GNA)-Warsaxaafaddeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu magacaabay La-taliye dhinaca Hay’adaha Caalamiga ah.
Cabdifataax Siciid oo hore Safiir ugu ahaan jiray Somaliland ayaa Madaxweynuhu u magacaabay La-taliyaha Hay’addaha Caalamiga ah.
Warsaxaafaddeedka ayaa lagu yidhi sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2414/042014 ku magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku-qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday:-
In Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.