Kismaayo(GNA)-Ciidamo hore dibada uga joogay Magaalada Kismaayo, ayaa dib loogu xeraynayaa Saldhig Ciidan oo ku yaala xarunta Jaamacadda Kismaayo.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo kamid ahaa wafdigii uu hogaaminayay ra'isul wasaaraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kismaayo oo warfidiyeenada kula hadlay madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegay inay is-faham ka gaadheen weftiga ra'isul wasaaraha iyo masuuliyiinta maamulka Jubba.
Weftiga Reysal-wasaare Cabdiwali ayaa Sabtidii todobaadkan gaadhay Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland.
Weftiga iyo Maamulka Jubaland sku fahmay qodobo ay ka wada hadleen dowladda iyo maamulka Jubba oo ay kamid ahaayeen Dekedda iyo Garoonka, soo xareynta ciidamada iyo arimo kale.
Ciidamada la soo xeraynayo ayaa horey ugu sugnaa deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 10 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo, waxaana hogaamiye u ah Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale).
Wasiir kuxigeenka wasaaradda macdanta, biyaha iyo bay’ada Mudane Maxamed Nuur Buulle (Dhaay) oo ka mid ahaa gudigii maanta booqday deegaanka Goobweyn ayaa HOL u sheegay in ay bilaabatay howshii soo xareynta ciidamada ku sugan duleedka Kismaayo.
“Ciidamada dhamaantood waa la soo xareynayaa, howsha soo xareyntana maanta ayay noo bilaabatay, waxaana la dajin doonaa xarunta Jaamacadda Kismaayo,” ayuu yiri.
Reysal-wasaaraha Somaliya oo wali Kismaayo ku sugan ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay ku mashquulsanaa kulamo gaar ah oo la xidhiidha arrinta dib u qaramaynta Maleeshiyaadka Barre Hiiraale.
Warar madaxbanaan oo la helay ayaa sheegay in Col. Barre Hiiraale Magaalada Muqdisho u soo raaci doono Weftiga Reysal-wasaaraha.
Inkastoon war rasmiya laga hayn nuxurka Heshiiska dawladda Federaalka iyo Col. Barre Hiiraale, hadana wararku waxay intaasi ku darayaan inuu Maslaxad siyaasaddeed ku soo geli doono Xayndaabka Dawladda dhexe.
Barre Hiiraale ayaaa ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii loolanka u galay hogaaminta Maamulka Jubaland, kaasoo markii looga awood roonaaday mar al-shabaab garabsi ka deyay, hadana , maleeshiyaadkiisa laga qabsaday deegaamo Gobolka ka mid ah.
Gobanimonews
Kismaayo Office
Email: editor@gobanimonews.com