Committee to Protect Journalists(CBJ), REPORTERS WITHOUT BORDERS, International Federation of Journalists(IFJ) iyo Warbaahinta Somaliland oo maanta wada cambaareeyay Xadhiga Haatuf
Saddex Wasiir oo Qiraal isku difaacay Tacadiyada ka dhan ah Saxaafadda iyo xadhiga Wargeyska Haatuf
Hargeysa(GNA)-Ilaa Affar Hay’addood oo Caalami ah ayaa cambaareeyay Xadhiga Warsideyaasha Haatuf Media Network oo maalintii saddexaad saaxadda ka maqan.
War-Saxaafadeed uu Soo Saaray Ururka Caalamiga ah ee Committee to Protect Journalists(CBJ) Xafiiskiisa New York waxa lagu sheegay in Somaliland Albaabada isugu Laabtey Wargays Madax-banaan oo Af Somali Maqaalo ku Daabaca kaasi oo lagu Magcaabo “Haatuf"
Sidoo kale isla Maalinta la xidhay Wargayskaasi Madax-banaan waxa isna Ciidamada Boolisku Shaqada ka Joojiyeen Wargays kale oo Isbuucii Mar soo baxa kaasi oo Luqadda Englishka ku hadla waxana lagu Magcaabaa"Somaliland Times.
CBJ Waxay ku Xustay War-murtiyeed ay Qaybisay[April 8, 2014]in Somaliland looga Fadhiyo inay ilaaliso Madax-banaanida Warbaahinta isla markaana ay ka Run Sheegto in ay Taaba galiso Dimuqraadiyadda Dastuurka ku dhisan.
halkan ka Akhri Baaqa CBJ ee Somaliland
Sidoo kale Ururka Caalamiga ah ee isna u dhaq dhaqaaqa Warbaahinta International Federation of Journalists(IFJ) beyaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in Somaliland looga baahanyahay inay Joojiso Cabudhinta iyo Xadhiga Wariyaasha loo gaysto.
waxa kaloo ay Sheegtay IFJ in Somaliland Madaxdeedu ay ka Run sheegaan Qodobada ku Qoran Dastuurkooda ee dhigaya inay ilaaliyaan Xuquuqda Wariyaasha iyo Kuwa kale ee u Dhaq Dhaqaaqa Bini'adanimada.
IFJ oo Xiganaysa NUSOJ Waxay Tibaaxday in Boolisku ay Gudaha u Galeen Xarunta wargayska Haatuf isla markaana ku Amreen dhamaan Shaqaalihii iyo Maamulkiiba inay shaqada gabi ahaanba joojiyaan dibadana uga baxaan Xafiiska Wargayska.
Warbixinta IFJ Riix Halkan
Ururka isna lagu magacaabo REPORTERS WITHOUT BORDERS ee fadhigiisu yahay waddanka Franciska ayaa Taageeray Bayaanada ay soo saareen Ururadda Caalamiga ah ee Saxaafaddu.
Marie en l'absence oo xubin ka ah Ururkan ayaa Somaliland u soo jeedisay inay si wanaagsan ula dhaqanto Wariyeyaasha, ixtiraamtana Xoriyatal-qowla iyo madaxbanaanida saxaafadda.
Cambaareyn Maxali ah
Dhinaca kale, Kulan-weyne ay maanta isugu yimaadeen in ku dhow boqol Suxufi oo ka hawl-gala Somaliland iyo xubno ka socda Bulshada rayidka ah ayaa laga soo jeediyay inay Xukuumadda Somaliland joojiso xad-gudubyada sii socda ee lagu hayo Warfidiyeenada iyo Xarumaha Warbaahinta.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa hore u cambaareeyay talaabada lagu xidhay xarunta Wargeyska Haatuf.
Qaar ka mida Ururrada u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadamaha iyo siyaasiyiin qaarkood Xilal sar sare ka soo qabteen dalka ayaa sidoo kale cambaareeyay xadhiga wargeyska.
Saddex Wasiir oo Qiraal bixiyay
Wasiiro u Hadlay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa qirtay inay wargeyskan ku haystaan Macluumaad lagu baahiyay oo ay dhibsadeen.
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo Wargeysku ka qoray Faddeexado musuqmaasuq oo uu ku lunsaday lacago xaquqalin looga qaaday Sharaa’ig Shidaal iyo kuwa Macdan Baadhaya, ayaa Maanta iska fogeeyay inuu u xidhanyahay Wargeyska Haatuf.
Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay in Xadhiga Wargeyska laga amray dhinaca Madaxtooyada.
Laakiinse wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran Cadde ayaa shalay sheegay inuu isugu qayb ka ahaa xadhiga Wargeyska.
Waxaanu sheegay Cali Waran-cadde inay Maxkamad la tiigsan doonaan Masuuliyiinta Wargeyska.
Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay inay Guddoomiyaha Wargeyska saaxiib dhow ahaayeen, balse uu ka diiday ergooyin badan oo uu ugu tegay si uu uga joojiyo Warbixinaha Xukuumadda lagu dhaliilayo ee uu qoray.
Cukuse ayaa intaasi ku daray in markii u qabsoomi waayay Xukuumaddu amar ku bixisay in la xidho Xarunta Wargeyskiisa.
“Xukuumaddu siday u garatay inay Ciidanka Derejo siiso ayay u taqaanaa inay amar siiso”ayuu yidhi.
Xayiraad hore
Wargeyska Haatuf oo aan Maalintii saddexaad soo bixin, ka dib markii Ciidamo RRU-ah ay la wareegeen xaruntiisa Maalintii Isniinta ayaa sanadkii 2007-da Xukuumaddii uu hogaaminayay Daahir Rayaale dacwad ku oogtay Guddoomiyihiisa iyo laba ka mida hawl-waddeenadiisa.
Maxkamadda ayaa xiligaasi Xadhig iyo Ganaax ku xukuntay Nimankaasi, balse markii dambe waa layska soo daayay.
Saddex Hay’addood oo Warbaahineed ayaa xidhan
Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee xukuumadda Siilaanyo albaabada u laabto Xarun Warbaahineed oo dalka ka hawl-gasha.
Hase ahaatee waa Hay’ad warbaahineeddii saddexaad ee sanadkan xukuumaddu xidho.
Waxaana ka mida ah Wargeyska Hubaal, Telefishanka UNIVERSAL oo qaybtiisii Somaliland la joojiyay iyo Wargeyska Haatuf ee haatan albaabada loo laabay.
Waxa Diyaariyay: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)Hargeysa
Jaamac Fayte (Nairobi)
Gobanimonews
Hargeysa Office