Wallee been ma qaayibo!
Wallee gabay qardoofa ah
ama iga qandoodsama,
qalbigaygu ma hollado!
Wallee "Qaaf" ujeeddo leh
qiimahayga kuma rido!
Magac waa qasaanade,
Wallee qado ma dhaafsado!
Ninkii beesha qaayiba
qar hadduu ku soo dumo,
Wallee ciidda kama qodo!
Wallee qalabka maansada
heesaha qumbuladda ah,
uma qubo dhugmo la'aan!
Taariikhda qoranee
qalinkeedu daalayn,
Wallee qalad yar kuma daro!
Wallee qalindharaaraha
dembi qaranka laga galay,
kama qariyo waratada!
Qasab Kuma Balwayn karo gaariye alle ha uu naxariiste
Xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne axmed siilaanyo ayaa waagii ay mucaaridka ahayd ay abaal weyn uu gashay saxaafadda somaliland ,taaso ka eexaatay nadaamkii hore ee dalka ka talin jiray ee uu gadh-wadeenka ka ahaa hoggaamiyihii qun-yar socodka ahaa Daahir Riyaale kaahin oo intii uu talada wadanka hayey aan maalin qudha al-baabada isaagu dhufteen goob warbaahineed oo wax ka qortay.iyaada oo ay yarayd inta saxafi ay xidhay xukuumaddi riyaale.
Hadaba waxaa xusid mudan inay wakhti laga joogo lix sanno ka hor xabsiga loo taaxay gudoomiyaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo wakhtigaas si ba”an wax uga qori jiray xukuumaddi tan ka horeysay oo uu wargeysku ku eedeyn jiray musuq-maasuq ayaa sababtay inay uu dul-qaadan kari weyday kadibna wargeyskii oo furan la xidho cidi warkaas qortay.
Xukuumadan uu maanta madaxweyne ka yahay Axmed siilaanyo ayaa iyaadu muddo saddex sanno ah xilka madaxtimo haysay iyaadoy dad badani isk weydiinaayeen markii uu siilaanyo dalka hoggamintiisa ku Guuleystay waxaa uu saxaafadda ugu abaal gudi doono,waxanaay taasi keentay inay maanta danbar-sadan xadhig,cago jugleyn joogto ah,hanti la wareegid, bedeeshay shucuubta bulshada somaliland oo xusuusisay nadaamkii keligi talliye Siyaad Barre oo ahaa mid macan-geeg ah oo aan garna qaadan midna gelin waxaanay hadda dad badani is bar-bar dhigayaan cabuudhinta soo noq-noqootay ee isaagu jiraa dhaqanno soo kordhay oo aan hore uu jirin kuwaasoon ay kow-ka tahay xayiraadah la saaro warbaahinta wax ka qorta oo aan xaq loogu lahayn,in hantida uu qofku leeyahay in laala wareegayo waxanay tani isku eg-keeysiisay siyaad barre iyo siilaanyo maamuladoodi.
Waxaan maanta aan xusuustay hadal uu cali guray hore uu sheegay wakhti aan foggeyn kasoo uu sheegay in uu madaxweynaha qaranka mudane siilaanyo yahay shiikhsi aan gudin abaalka lo galo oo uu iloobo ama la colloobo
Marka waxaan qormadan kooban fasiirkeeda uu dhaafaya bulshada la socoo .
Qalinki
Cabdi casiis Bashiir nuur
Tel 4144434
info@xogreebnews.com