Hargeysa(GNA)-Somaliland ayaa markii ugu horaysay Digniin u dirtay Dawladda Somalia.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inay Dawladda Soomaaliya fadqalalo iyo falal Kharbudaad ah ka waddo gudaha Somaliland.
Cali Waran-cadde muu caddeyn, waxa ay yihiin falalkaasi, inkasta oo dareen ahaan loo fasilan karo mid uu ku maagayo Wefti ay la socdaan Xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo maanta ka soo degay Buuhoodle, kuwaasoo ka qayb-gelaya Shirka Khaatumo ee Taleex.
Weftiga Madaxweynaha Khaatumo iyo siyaasiyiinta la socda ayaa ka soo kicitimay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, waxaana jira dareeno muujinaya in shirweynha Khaatumo 3 ee Taleex lagu dhisi doono Maamul-goboleed si rasmiya u hoos-tegi doona Dawladda Federaalka ah.
Deegaamada Khaatumo Maamusho, ayaa waxa kala sheegta Somaliland iyo Puntland, waxaanay ka tirsanyihiin Dhulkii dawladda Ingiriisku Maxbiyadda ku maamuli jirtay Qarnigii la soo dhaafay, kaasoo gooni-isutaaga Somaliland lagu saleeyay 1991-kii.
Cali waran-cadde oo Maanta ka hadlayay Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa ku hanjabay inay dhiig iyo dheecaanba u hurayaan dadka Somaliland dawladnimadooda.
“Waxaan Halkan Digniin uga dirayaa Cadawga Somaliland ee ka naxay Aqoonsiga Caalamku u qiray Somaliland, waxaanu aad uga xunahay dawlada yar ee ka dhisan Muqdisho, in ay aad uga naxeen Aqoonsiga Caalamku siinayo Somaliland”.
Waran-cadde ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxa yidhi “waxaanu u aragnaa in Somaliland gudaheeda ay ka waddo fadqalalo iyo kharbudaad, waxaanu nahay ummad aan loo dhuuman Karin, waxaanu si weyn isha ugu haynaa, oo aanu u eegeynaa dhaqdhaqaaqa dawalda somaliya ay ka waddo gudaha Somaliland, waxaanu leenahay ha ku gubanina, waxaanu shacab iyo dawladba diyaar u nahay, in aanu dalkayaga ku difaacidoono dhiigayaga, waxaanu diyaar u nahay in aanu kashifno, ama dibada u soo saarno khidad kasta qarsoon oo waxa lagu yeelayo midnimada iyo wadajirka Somaliland, ummada Somaliland waxaan ugu baaqaya in ay wadajirkooda ilaashadaan.”ayuu yidhi.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda Somalia.
Labada Maamul ee Muqdisho iyo Hargeysa ayaa sanadkii hore kala saxeexday Heshiis dhigayay inaanay Warbaahinta isu marin hadalo dhaawacaya geedi-socodka wada-hadallo looga gol-leeyahay inay heshiis waara ka gaadhaan qadiyadaha siyaasaddeed ee ay kala wataan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com