Hargeysa(GNA)-Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa dhaliilay hab dhaqanka Maamul ee xukuumada.
Maxamed Xaashi Cilmi Oo maanta ka hadlayey shir ay qabteen Daladda siyaasaddeed ee Madasha-wadatashiga, ayaa xukuumadda ku eeddeyay arrimo badan oo Maamul xumo,waxa uu sheegay inay arrimahaasi fogayn karaan Aqoonsiga waddanku raadinayo.
“Inaga oo ictiraaf raadinayna, inaga oo ay ahayd inaynu sharciga ku dhaqano, inaga oo ay ahayd inaynu somalida kale kaga duwanaano oo aynu tusno wanaageena iyo sidaynu halgankeena ku soo marnay, isaga oo madaxweynuhu ahaa gudoomiyihii ugu mudada dheeraa intii halganku socday, maanta lagama filayn xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay xaq daro xalaashadaan, waxay ahayd haddii jariirad wax laga sheegayo in ninkii qoray maxkamada la geeyo oo uu ka dacwiyo wixi lagu helana lagu qaado jariiradana in marna la xidho may ahayn.
Waayo? jariirada dad ayaa ka shaqeeya, nin durbaan qaatay cilaaq dalbay ayaa la yidhi marka uu ninku madaxnimo u baxo oo uu xil umadeed qaado inuu yidhaa cidbaa wax I tidhi maaha waayo la odhanayaa waana lala xisaabtamayaa, wixii ay xumeeyeen ayaa la sheegayaa, jaraa,id ayaa sheegaya oo dadka ayaa sheegaya, waa la xukumay oo ninkii arintan loo haystay maxkamadba lama marin maaha wax sharciya, mana aha wixii aynu maanta ku kici lahayn,”ayuu yidhi.
Isagoo hadalkiisa sii waxa uu yidhi“Maanta waxaynu u baahan nahay inaynu tusaale fiican noqono oo wixii ina soo maray aynu ka nasano mana ah inaynu mid kale galno oo RRU-du kolba aqal jabiso oo dadka loo dhaco habeenkii, dadkana layska xidh xidho, waxaasina waa wax inaga fogaynaya aqoonsigii aynu raadinayey nasiib darada ugu waynina waxa weeye ragii ina Siyaad Bare ku dhaliilayey inay xaq daro ku kaceen oo aynu ka dagaalanay oo aynu ku ridnay inay iyagii galaan waa nasiib daro wayn, waxaanan leeyahay madaxweynaha waa in si dhakhso ah loo sii daayo jariiradaha xidhan, wixii ka baaqdayna dawladu ha bixiso iyadaa gashay danbigaase”.
Madasha wada tashiga ayaa hore dhaliilo fara badan oo siyaasaddeed u jeediyay Xukuumadda talada haysa.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com