Wednesday, April 16, 2014

Sarkaal u soo jeediyey madaxweyne Gaas in uu is casilo


Col.Cabdilaahi Bootaan Maxamuud oo ka tirsan ciidanka booliska Puntland ayaa ka hadlay xaalada Taleex iyo ciidanka Somalilnad ka socda ee maanta la wareegay degmada Taleex.




Sarkaal kan waxa uu sheegay inaysan u dulqaadan karin daan-daansiga Somaliland ay ka wado dhul ka tirsan Puntland,wuxuan tilmaamay inay jirto habacsanaan sidaasi darteedna ay muhiim tahay inay is-casilaan madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.




”Xukumadda Puntland waxaan lee yahay ha is-casisho haddii ay shaqadeedii gabtay,anaga Somaliland sidaasi iyo si u eg naguma samayn karto,afar bilood ayaa la marayaa waxay isabadal oo ay keeneen ma jirto hadda ayaan waxan maraynaa Siilaanyo inuu kormeer ku tago gobalo uusan waligiis tagin wax la qaadan karo ma ahan”.




Col.Cabdilaahi Bootaan ayaa baarlamaanka Puntland ugu baaqay inay arrintaan wax ka qabtaan oo ay la xisaabtamadaan xukumadda maadama ay duulaan Somaliland ka wado deegaano hor leh.




Ciidamo ka socda Somaliland ayaa maanta la wareegay degmada Taleex oo ka tirsan Gobalka Sool iyadoona magalada aysan ka dhicin wax dagaal ah.




Shir deg deg ah ayuu madaxwayne ku xigeenka Puntland madaxtooyada kula qaadanayaa Gollaha wasiiradda iyadoona aysan wali kasoo bixin wax natiijo ah.