Mouqdisho(GNA) Warar goordhow naga soo gaadhay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Dagaal Culus oo u dhaceeya Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Kooxo looga shakisan yahay Al Shabaab uu ka socdo Xaafada Via Afmadow ee Magaalada Kismaayo.
Dagaalkan ayaa waxuu bilaawday kadib markii Kooxahan hubeysan ay Weerar gaadmo ah ku qaadeen Fariisin Maleeshiyaadka Raaskambooni ay ku leeyihiin Xaafada Via Afmadow.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Wali la maqlayo Rasaas Culus taasi ay ridayaan labada dhinac balse waxaa si rasmo ah aan loo ogeyn Khasaaraha dhimashada ee ka dhashay Dagaalkan wali halkaasi ka socda.
Dhinaca kale waxaa kulamo kala duwan ay ka socdaa Madaxtooyada Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay ku kulamayaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Maamulka KMG ah ee Juba.
Xigasho: Warqaadnews