Wuxuu sheegay inuu isu casilay weerar lagu qaaday qoyskiisa
Ra'iisul wasaaraha Liibiya, Cabdallah al-Thinni, ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilayo, laba todobaad wax ka yar isagoon xafiiska joogin.
Al-thimi ayaa iscasilaada ku sababeeyay culus kaga yimi koox maleeshiyo ah oo weerar ku qaaday qoyskiisa.
Bayaan uu soo ayuu ku sheegay in weerarka aysan cidna ku dhaawacmin, balse ay sigteen qoyskiisu.
Macluumaadka ku aadan weerarka ayaa kooban mana cadda cidda ka dambeysay, hasayeeshee waxa ay u muuqataa in uu weerarka ka dhacay wadada aado gagida dayuuradaha ee caasimada Tripoli.
Mr al-Thinni ayaa todobaadkii hore la caddeeyay in uu noqonayo ra'iisul wasaaraha cusub kaddib markii xilka laga qaaday, Cali Zaydaan, oo lagu eedeeyay in uu wax ka qaban waayay ammaanka iyo Maamul xumadda.
Mr al-Thinni sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay dhibaato ka soo gaartay weerar fuleynimo ah, waxaanu ku andacooday inaanu aqbali karin in dhibaato loogu geysto qoyskiisa xilka loo magacaabay awgii.
Afhayeenka ra'iisul wasaaraha Liibiya Axmedal-amiin, ayaa BBC-da u sheegay in Mr al-Thinni iyo golahiisa wasiirada ay sii shaqeyn doonaan ilaa iyo inta ra'iisul wasaare cusub uu ka magacaabayo baarlamaanka Liibiya.
Mr al-Thinni ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo ra'iisul wasaare ku meel ah iyadoo awooddiisa la ballaariyay todobaadkii la soo dhaafay.
Taasoo Shardi looga dhigay in uu sameeyo dowlad cusub oo xasilooni ku soo dabaasha waddanka Liibiya.
Xukuumada Liibiya ayaa hakad ku jirtay tan iyo markii shaqada laga eryay bishii la soo dhaafay ra'iisul wasaarihii hore Cali Zaydaan.
Baarlamanka dalkaasi ayaa xilka ka qaaday Mr Zaydaan, kaddib markii markab qaada shidaalka oo ku socdaalayay calanka Waqooyiga Kuuriya uu shidaal ka qaaday dekad ay mucaaradku Libiya gacanta ku hayaan oo ay cunaqabateyn saarneyd.
Markabkaasi xamuulka ah ayaa waxaa markii dambe soo qabtay ciidammada badda ee Mareykanka kuwaas oo u gacan galiyay mas'uuliyiinta Liibiya.
Dalkan ayaa waxa hareeyay daganaansho la'aan tan iyo markii xukunka laga tuuray hogaamiyihii waddankaasi Mucamar al-Qadaafi 2011-kii.
Libiya ayaa ka mida ah waddamada Afrika ee Saliidda qaydhin qaniga ku ah.
Dalalka reer Galbeedka, ayaa taageero milateri iyo siyaasaddeed ka geystay Kacdoonkii xukunka lagaga tuuray Madaxweynihii Mucaaridku khaarajiyeen ee dalkaasi.
Laakiinse waxa muuqata inaan wali la soo afjarin qalallaasihii ka dhashay af-gambigii nidaamkii Qadaafi.