Saturday, April 19, 2014

Hargeysa: Ardaydii Jaamacadda ee Muddaharaadka lagu xidhay oo wali Fasalada ka maqan


Hargeysa (GNA) - Ardayda Sanadkii Labaad Ku Jirta Jaamacada Hargeysa ayaa bilaabay shaqo  joojin ku aadan waxbarashadii uga socotay Jaamacada Hargeysa.




Shaqo joojintan oo ka dambaysay ka dib markii ay dhawaan xukuumaddu xabsi ugu bedeshay cabasho ay ka muujiyeen Lacago lagu kordhiyay.




40 ka mid ah ardaydan oo ay ciidamada Boolisku gacanta ku dhigeen ayaa dhawr maalmood ka dib xorriyadoodii dib u helay, waxaanay ku bedeeleen in aanay ka ag wareegin jaamacada Hargeysa oo ay sanadkii labaad ku jireen.




Ma jiro ilaa iminka waan-waan la dhex dhigay Maamulka Jaamacada iyo Ardaydan, waxaana la isku raacsan yahay in Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ay ka gaabisay shaqadii ay qaranka ugu xilka saarnayd.




Wasiir Samsam Cabdi Aadan ayaa ka dhabaysay hadalkeedii ku saabsanaa in ay ardayda ka gadooday lacagaha lagu kordhiyay khalad u mudaharaadaayaan.




Si kastaba labada dhinac ee ay arrintan jiifto ayaan ilaa iminka wax hadal ah ka soo saarin, waxaanay u muuqataa in ay dhinacyadan si cadaan ah uga gaabiyeen masuuliyadii ay qaranka u hayeen.