Saturday, April 19, 2014

Dawladda Sucuudiga oo Safiir u soo dirsaday Soomaaliya 23 sanno ka dib


“Sucuudiga waxaanu iska kaashanaa la dagaalanka Argagixisadda” Madaxweyne Xasan Sheikh: hoos ka daawo Sawirro




sucuudiga4Muqdisho, 19 April 2014 – (GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Saudi Arabia.




Saudi Arabia iyo Somalia ayaa waxa ka dhexeeya oo leeyihiin xiriir siyaasaddeed, laakiinse 22-kii sanno ee la soo dhaafay soomaliya waxa ka jira qalalaase siyaasi ah iyo dagaallo sokeeye.




Safiirka cusub ee Sucuudiga  Garam Bin Said Bin Garam Almulhan ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Somalia, munaasibad uu  goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia Cabdiraxman Ducaale Bayleh.sucuudiga2




Garam Bin Said Bin Garam  ayaa isagoo ka hadlay imaaniyihiisa Soomalia waxa uu yiri “ Saudi Arabia waxaa ka go’an inay sii xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxaana ka taageeri doonaa Somalia dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib u dhiska Somalia.”




Madaxweynaha Somalia ayaa Xasan Sheikh Maxamuud ayaa isna ka sheekeeyay xidhiidhka labada dal ee Sucuudiga iyo Soomaaliya, waxaanu tilmaamay inay ka wada shaqeeyaan labada waddan arrimo badan oo amniga iyo la dagaalanka argagixisadu ka mid yahay.




 “Wallaalaheen Sacuudiga waa saaxiibo in muddo ah taageero noo fidinayey oo sii xoojineysa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxeyna naga taageeraan dhanka gar-gaarka bani’aadanimo oo ceelal fara badan ay ka hirgeliyeen Somalia oo shacabku aad baahi ugu qabo”ayuu yiri.




Madaxweynaha oo hadalkiisa wata ayaa yiri “Boqortooyada Sacuudiga waxaan kaloo iska kaashanaa la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah iyo sidii loo saxi lahaa fikirka qaldan ee kooxaha argagaxisada. Wasiirkeenna Gaashaandhiga baa dhowaan booqday Sacuudiga oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga Sacuudiga oo ay isku afgarteen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaaen dhanka amniga, xasilinta iyo dib u dhiska dalka.”




Dhanka kale Safiirka Sacuudigu wuxuu madaxweynaha guddoonsiiyay  dhambaal uu ka siday Boqorka Sacuudiga Boqor Abdallah Bin Abdulaziz Al Saud.




Ugu danbeyntii, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Safiirka Sacuudiga ayaa shir jaraa’id ku wada qabtay xarunta madaxtooyada.




Labada Masuul ayaa sheegay inay bilaabeyaan wada shaqayn cusub iyo talaabooyin hor leh oo ku saabsan danaha labada waddan ee dhinacyada kala duwan.suciuudiga sucuudiga  sucuudiga3




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com