Maanta dawladii somaliland waxay yeelatey gollihii wakiilada, guurtidii,maxkamdihi iyo shirkadihii isgaadhsiinta.
waxa keliya ee maanta ay ka seexan laayihiin guuldarrowadayaashii xisbiga kulmiya kaalinta saxaafada oo geed dheer iyo mid gaabanba ay u koreen sidey ku baabinayaan.
waxay xabsiyada ka buuxiyeen suxufiyiintii ilaa kuwii website yada sida yarkii shabkada hadhwanaag ee hargeysa najax cunaaye.
waxay albaabada u laabeen haatuf iyo hubaal.
maantana waa taas amarkii ugu dambeeyey ay ku bixisey iney khadka ka gooyaan haatuf.
waxase la yaab leh shirkadah ma dawlada ayey ka ganacsadaan mise shacabka?.
mudadii ay soo jireen yaa wax ka iibsanayey? yaa suurto geliyey ganacsigooda? shrikadaha ganacsiga beenta ah waxa ka mid ah kuwa isgaadhsiinta.
iyaga oo aan laba sanad keliya jirin ayey qaybiyeen midkiiba hal milyan 1000.000 oo semi card oo midkiiba ay siiyeen shan dooler.
taas oo noqoneysa,shirkadiiba iney ka heshey shacabka reer somaliland shan milyan oo dooler. dadkeena maanta immisa ayaa haysta telefoonka gacanta yareeba oo ka soo qaad in ay isticmaalaan500.00i laa 1000.000 marka aad isku celceliso midka hal dooler maalintii ku shubta iyo midka shan dooler ku shubta .
waxan odhan karaa shirkadu maalintii waxay ka heshaa somaliland shicibkeeda nus mlyuun dooler. waxa kale oo intaa dheer macaashka kale ee ay ka helaan shirkadaha kale ee waaweyn ee dunida ka jirra ee telefoonadooda laga soo garaaco oo ay ka qaataan wax call-back la yidhaa.
waxa kale oo iyaduna markhaati ma doon ah iney isticmaalaan warlaliyayaashii iyo dhismayaashii dadku u sinaayeen ee ka dhexeeyey oo iyaga lagu naasnuujinayo.
waxa ay heleen dadweyne wadaniyiin ah oo dalkooda jecel oo jeebkoodii hadh iyo habeen ay baadhanayaan shirkadaha isgaadhsiinta iyagoo mar kasta si bilaa xishood ah oo casriyeysan u dawarsanaya iyagoo mar kasta ku odhanaya fadlan lacagta kuu hadhay wey sii yaraaneysaa lacag ku shubo.
waa shirkadah si uu ganacsigoodani u sii jirro raali ka noqdey in waxa dadweynaha soomaliland iyo soomaliya ku wada hadlayaan oo dhan madaxweyne ilaa baalashle lala dhageysto iyaga oo reciever adii u rarey itoobiya dadkana ugu sheekeyey shirkadaha itoobiya telecom ayaan la midoobeynaa oo addis ababa local ayaad ula hadleysaan.
waa iyaga wixii laga dhaadhiciyey markii receiverda laga qaadanayey.
waa shirkadaha geesna kala socda ka hortagga iyo basaasida argagixisada geesta kalena taageera kooxaha xamar ka dagaalama ee ARSENAL.
iyaga oo dadka xitaa ku qaata gadhkii ay reer burco u bixiyeen YAA BAKHAAR II DHIIBTA. iyaga oo waxaas oo macaasha hawadoodii dadka ka iibinaya ayey xukuumada baahan shuraako la noqdeen oo shaqsiyaad gaar ah u qoreen lacag si aan cashuurta rasmiga ah ee xaqqa loogu leeyahay looga qaadin. isla markaa xitaa dawladu ma oga mana garan karto tirada kaadhadhka ku shubashada ah ee ay soo daabacdaan bil kasta iyo inta ay iibiyaan midna.. maalin horena waxan arkayey shabakad waxan u maleynayaa saaxil iney ahayd oo laga jarey netka. maantana baashe morgen ayaa soo amrey in wargeyska haatuf laga jarro khadka internetka.halkaas waxa ka cad sida shirkadahan iyo dawladu isgu milmeen shacabka iyo xoriyada hadalkoodana dan laga lahayn. waa kaa dadweynow shirkadahiinii isgaadhsiintu.
SABANKII YIMAADABA DARBAA SAHYDA NAANEYSE
RAGGA SIINKA BOWDADA MARSADEY WEY SAJELYIIN
dadkani hore ayey u diideen carjuuq dheh. maantana ogolaan maayaan madaxweyne maqaarsaar ah oo qoyskiisa isku hareereeya danta qarrankuna kala weynaato mida qabiilku. ugu danbeyn shirkadahan sida shacbigu uga tashanaayo waan hubaa iney ka guuleysanayaan. in aaney yeeleyn cid ha hadlina tidhaa iyo guuldarrowadayaasha xisbiga kulmiye ee shar iyo khayrba sacabka u tuma xukuumadan haraadan.
allaa mahad leh
WACAYS AXMED MAXAMUUD
BARRE ADDUUNYO
bareadunyo@gmail.com