Sunday, April 20, 2014

Cukuse oo oday Curyaan ah ku qabsaday Dhul Magdhow loogu siiyay Wiil dawladdu ka dishay


Iid Ibraahim oo saddex sannadood dawladda Siilaanyo Dhibane u ah ayaa wali la kulmaya Handidaad siyaasaddeed..”GNA




[caption id="attachment_26650" align="alignleft" width="231"]Wasiir Cukuse ma ku guulaysan doonaa yoolkiisa la shaqaynta Saxaafada? Wasiir Cukuse ma ku guulaysan doonaa yoolkiisa la shaqaynta Saxaafada?[/caption]Hargaysa(GNA) Oday Iid Ibraaahin Cabdi oo ka mid ahaa qoysaskii  degennaa Cisbitaalkii hore ee jajabka ee u dhaw dhakhtarka wayn ee magaalada hargaysa ayaa cabasho baahsan ka muujiyey wasiirka wasaarada warfaafinta somaliland Cabdi laahi Maxamed Daahir Cukuse oo ku qabsaday hada dhul Magdhow looga siiyay Gurigii uu ka degenaa Xaafadaasi oo laba sanno ka hor uu ka mid ahaa qoysaskii laga raray.




Oday Iid ayaa dhulkan loo siiyay Samirsiin, kaddib markii Wiilkiisii Curad oo Jaamacadda ka baxay sanadkaasi dawladdu ku dishay Hawl-galkii qoysaska halkaasi lagag raray.




Dhulkan ayaa laga siiyay meel dawladdu leedahay oo dhinaca Waqooyi kaga qabsan Dhismaha Madbacadda Qaranka iyo Wargeyska Dawladdu ku wada jiraan ee Timacadde.




Dhowr jeer oo hore ayay xubno dawladda u shaqeeya oo Guddoomiyaha Warsida Dawladda ee DAWAN kamid yahay ku qabsadeen, waxaanu maanta sheegay in Wasiir Cukuse iminkana ku haysto.




Mawaadinkan oo ah Oday Naafo ah oo Gur-guuranaya ayaa dawladda Muddo dheer dulmi ka tirsanayay, iyadoo aan wali magdhow laga siin Dilkii Inankiisa.




Isagoo warbaahinta kula hadlay Maanta magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in wasiir cukuse oo adeegsanaya shaadh dawladeed ku haysto wajahada dhisme uu ku leeyahay goobta la siiyay.




“Waxaan halkan idiinka cadaynayaa in cukuse oo shaadh dawladeed adeegsanaya uu ciidan keenay dhisme aan ka dhisanayo meel u dhaw madbacada qaranka waxaan haystaa dhamaan sharciyadii dawlada hoose iyo wasaarada hawlaha guud isiiyeen iyo dhamaan casayntii dhulkaygan oo dhan waxaana casaynta iigu qoran in dhismahayga wajahadiisa bari ay tahay waddo, balse ma garanayo waxa keenay in wasiirka warfaafintu uu ciidan dulkeeno dhismahayga aan dhisanayay.




markii aan waydiiyay sababtana wuxuu igu yidhi “wajahadaada bari waa dhisme balse waxaan u dhiibay sharcigii iyo casayntii dhulka wasiirka anigoo tusaya inaan sharci ku taaganahay markii uu wasiirku arkay sharciga dhulka ee aan tusay ee cadaynaya in wajahadayda bari ay tahay wado wuxuu wasiirku iigu jaaabay ma waxaad doonaysaa inaanu adigana ku dilno horaad u lahayd wiilbaa la iga diley.




laakiin anigu markaan arkay hadalka gefka igu ah ee wasiir cukuse igu sameeyay isagoo iska indhatiraya sharciyada aan tusay waxaan doorbiday inaan baaq u diro madaxwaynaha Somaliland mudane axmed maxamed maxamud siilaanyo oo isagu markii horeba isiiyay dhulkan”ayuu yidhi.




Mawaadinkan ayaa isagoo cabashadiisa sii wata intaasi ku daray “madaxwayne waxaan kula socodsiinayaa hadalkaa gefka igu ah ee wasiirkaagu igula kacay waxaan kaa dalbanayaa inaad iga daw mariso wasiirkaagan gefka iila yimi maadaama oo aad tahay madaxwaynihii qaranka ayuu yidhi oday iid oo si adag uga gubtay hadalkan gefka ah ee wasiir cukuse ka soo yeedhay, sidoo kale wuxuu odaygu sheegay in wasiirku xayiray dhismhiisii u socday ilaa imikana uu dhismihiisu ka xayiranyahay Oday iid ayaa ah oday curyaan ah oo hore xukuumadda madaxwayne siilaanyo u khaarajisay curadkiisii uu dhalay xili wakhtigaas xukuumadu dad ka raraysay xaafadda jajabka ee u dhaw cisbitaalka guud ee hargeysa”.




 Ma jiro wax war ah oo dhinaca wasiir Cukuse ka soo baxay oo la xidhiidha Eedeyntan cabashada huwan ee loo jeediyay.




M. Farro




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com