Sunday, April 13, 2014

Guddoomiye Ku-xigeenkii Buuhoodle ee Puntland oo Iscasilay.Daawo


Buraale Jaamac: Afar bilood gudoohood ayay reer Buuhoodle shan Mashruuc iskood samaysteen.




BURAALE Buuhoodle(GNA)-Guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Buuhoodle (Cayn) ee Puntland Buraale Jaamac Fagadhe ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu iscasilay, kuna biiray Maamulka la baxay Khaatumo oo Deegaamada Gobolka Maamulla.




Buraale Jaamac ayaa Iscasilaadiisa ku sababeeyay laba qodob oo kala ah nidaamkii Maamul ee Puntland ay uga wakiilka ahaayeen oo Gobolka ka socon waayay iyo horumarka Bulshada Gobolku iskood u sameeyeen oo uu sheegay inuu la dhacay.




“afartii Bilood ee Xukuumadda Gaas jirtay ayaa reer Buuhoodle dhisteen waddooyin laami ah, Madaarkii Diyaaradaha oo furmay, Cisbitaalkii Dhimirka iyo walina Mashaariic kale, sidaasi darteed markaan arkay horumarkaa socda iyo sida aanay siyaasadda Puntland halka uga soconayn ee aanu waxba wadi kari waynay waxaan go’aansaday inaan iscasilo oo aan ku biro horumarka socda”ayuu yidhi.




Sarkaalkan oo sii hadlay ayaa sheegay “hadii boqol Xukuumaddood isbdelaan uma malaynayo in Siyaasad Puntland leedahay cayn ka soconayso dabaysha socota oo isbedesha mooyaane”ayuu hadalkiisa ku ladhay.




Halkan ka Daawo:


https://www.youtube.com/watch?v=bmSPjEenMEU


Buraale Jaamac ayaa go’aankan ku dhawaaqay bil ka dib, markii ay Maamulka Gobolka ee Puntland shir ku qabteen Buuhoodle ku sheegeen inay dar-dar gelin ku samaynayaan hawlaha Maamul ee loogu soo igmaday deegaanka.




Ninkan hada iscasilay ayaa xiligaasi sheegay inay Mashaariic horumarineed iyo kuwo maamul daadejin ah ka fulinayaan Gobolka, hadalkaasoo dhiiri gelinayay qorshaha siyaasaddeed ee Maamulka Cabdiwali Gaas oo markii ugu horaysay Madaxweyne ku-xigeen uu ka yahay Siyaasi Buuhoodle ka soo jeedda.




Hase ahaatee hadalkan maanta ka soo yeedhay ayaa dhabar jab iyo waji gabax ku noqday Xukuumadda Garoowe oo aan ilaa hada wax jawaab ah ka bixin arrintan.




Deegaamada Buuhoodle ayaa 23-kii sanadood ee ugu dambeeyay saldhig u ahayd Siyaasad guur guur badan oo aan mar qudha meel isugu lugo duwan, balse labadan sanadood ee ugu dambeeyay xarun u ahayd Maamul deegaanka Khaatumo oo aanay wali isaga laftiisa arintiisu bar tilmaameed cad yeelan.




Gobanimonews




Buuhoodle Office




Email: editor@gobanimonews.com