Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa uu ahaa suugaanyahan afthan ah. Hal-abuure curiya tixda iyo tiraabtaba ayuu ahaa. Waxa uu ahaa rag-yaqaan soo dhaweeya abwaannada iyo hal-abuurka oo ka qaata talo iyo tusaale labadaba. Xikmad-maalku dadka uu sida weyn u qaddariyo ayay ahaayeen taasna waxa horseed u ahaa garashadiisa suubban iyo qiritaankiisa waxtarka iyo waxyeellada ay hal-abuurku u yeelan karaan hoggaamiye qaran.
Intii uu noolaa waxa uu ku dedaali jiray in fanka iyo suugaanta lagu jiheeyo horumarka iyo dhismaha qarannimada. Xidhiidhka togan, iskaashiga lagama-maarmaan iyo higsiga himilada san ee ka dhexaysay Marxuum Cigaal iyo murti-maalladu waxa ay sababtay in geeridiisa ay ka werweraan hal-abuurro, fannaaniin, qalinley iyo suxufiyiin badan oo dhammaantood mataano ku ah gudbinta, cabbirka iyo faaqiddaada hadba wacyiga aloosma. Gulufka iyo guubaabada ay bahdani leeyihiin waxa dambarsada keli-telisyada dhegaha ka furaysta maqalka, awdista iyo u dheg-nugeylka baahiyaha bulshadooda.
Geediggan waxa aynu ku soo qaadan doonnaa maansooyinka, hal-qabsiyada, maqaallada, magac-bixinta iyo billadaha lagu milgeeyay Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.
Godka Lagu Jannee: Hees Baroor-diiq ah
Abwaanka ruug-caddaaga ah ee Axmed Saleebaan Bidde waxa uu ka mid ahaa maansayahannada waayo-aragga ee suugaanta baroor-diiqda ah ka curiyay geeridii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Heestan caan-baxday ayuu ka allifay geeridii Madaxweynaha Labaad ee Somaliland.
Waxa uu yidhi
Godka lagu jannee
Geesi naga baxoo
Guul-dhashuu ahaa!
Dardaaran: Gabay Baroor-diiqa
Abwaan Cabdiraxmaan Cismaan Cashuur (Baadidoon)!
Hal-abuurka caanka ah ee Cabdiraxmaan Cismaan Cashuur (Baadidoon) waxa uu geerida Madaxweyne Cigaal ugu baroor-diiqay gabaygan magaciisu yahay dardaaran.. Waxa uu misana maansadan ku bogaadinaya sidii habboonayd ee madaxtinnimada loogu wareejiyay Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii Somaliland. Ugu dambayntii waxa uu gabaygu waano mug leh u jeedinayaa madaxweynaha xilka loo dhaariyay iyo guud ahaan shacbiga Somaliland.
Wuxuu yidhi:
Rashiidoow ninkii door ahbay, arartu deeqdaaye
Da’dii ugu fil-roonoow adaan, daadin dhaqankiiye
Adigaan dariiqii ka lumin, daahirka ahaayee
Anba kuuma deexdeen haddaad, doollin-raac tahaye
Waxaan kuu dalaandalinayaa, daacaddaad tahaye
Dabuubtayda maqal waayahaan, kuu dul-marayaaye
Dadku nimuu jeclaystaba wed baan, laga difaacayne
Doorba kaad ku raysuu wakhtigu, kaa dallacayaaye
Danbaabidhada dhiilladu markay, dunida soo gaadhay
Sidii danab onkodaybaa mar qudha, laysku soo didaye
Duulduulkay maqalkii warkii, dheguhu diideene
Iska daa rag miyir-doorsamiyo, dumar baroortiiye
Derbiyada gidaarkaan ka baqay, inay dillaacaane
Dufni caalin waa awgayoow, laydhka oo dama’e
Dayax lagu maraa buu ahaa, duudka buuraha’e
Waa deeq aqoontiyo cilmigu, dunida wiiloowe
Waana dabaqad aadmiga sidaa, Daayinku u dhigaye
Derejada shakshiga maalmahaa, daabacoo dhiga’e
Dedda-beelka nabadduu ahaa, daawo loo liqo’e
Inkastoon nin diric ahi ka madhan, dunida guudkeeda
Toban hal uu ku wada door ahaa baan, abid i deyneyne
Dal burburay dabkiyo saanaddoo, duudka lagu haysto
Isagoon dagaal kala hor tegin, duunyana u qaybin
Degdegguu u soo hoyn jiraan, abid i deyneyne
Dogob qiiqay, duul muran dhex-gelay, dirir la heenseeyay
Degmadiisa kiiyoon ka kicin, dunidanaw qayshan
Dilka siduu ukala baajin jiraan, abid i deyneyne
La soco haddii Alle idmo
Wixii talo, taariikh, suugaan iyo xog aad ka haysaan Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal fadlan ku soo hagaajiya
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) iyo Cabdirisaaq Cabdillaahi Aadan (Keyd
Tell: 0634428604/0634435149/
Email: saedmgahair@hotmail.com, cabdirisaaq_007@hotmail.com
Facebook: Saeed Mohamoud Gahair