Mashaariic kale oo ka socda Magaaladda iyo Madaxweynaha Khaatumo iyo Xildhibaano Dawladda Federaalka ka socda oo ka soo degay Madaarka cusub+ hoos ka Daawo Sawirrada
Buuhoodle(GNA)-Diyaaradii ugu horaysay ayaa soo fadhiisatay Maanta oo Khamiis ah Madaar Diyaaraddeed oo laga dhisay Magaalada Buuhoodle ee Caasimada Gobolka Cayn.
Dhismaha Garoonka diyaaraddu ka soo degtay ayaa labadii sanadood ee u dambeeyay, halkaasi ka socday, waxaana hir-geliyay Maamulka Khaatumo oo dhawaan lagu dhisay Degmada Taleex ee Gobolka Sool.
Madaxweynaha Maamulkaasi Yuusuf Jaamac Indho-sheel, ayaa si rasmiya xadhiga uga jaray Madaarkaasi, waxaanu sheegay inay farxad weyn u tahay Mujtamaca Gobolka inay helaan Madaar ay dadkooda dibaduhu ka soo degaan.
Waxa kale oo weftiga la socda Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Dawladda federaalka Somalia, Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, xubno hore xilal uga soo qabtay Dawladda Federaalka iyo Masuuliyiin ka tirsan Khaatumo.
Buuhoodle ayaan hore u lahayn Madaar ay diyaaraduhu ka soo degaan, waxaanay dadka deegaanka u dhashay ee qurbaha ka soo laabtaa, ka soo degi jireen Gaal-kacayo, Berbera ama Hargeysa oo ugu dhawaa meel diyaaraduhu soo fadhiistaan.
Baahidaaasi ayaa hada meesha ka baxaysa, sida ay dadka Magaaladdu Gobanimo u sheegeen.
Buuhoodle ayaa ka mida Meelaha ay dhul ahaan isugu hayaan Puntland iyo Somaliland, laakiinse waxay sanadihii u dambeeyay gacanta ku hayay Maamulka Khaatumo oo shirweynihii saddexaad dhawaan ku yeelanaya Taleex.
Bulshada Gobolka ayaa ka soo kabanaya bilihii ugu dambeeyay dagaalo qadhaadh oo Maleeshiyaad deegaanka u dhashay iyo Ciidamo ka socda Somaliland ku dhex maray SOOL-JOOGTO iyo Kalshaale.
Mashaariic kale oo horumarineed ayaa ka socda Magaalada Buuhoodle oo ah Bender Qadiimiya oo 20-kii sanadood ee ugu dambeeyay dib u dhac ku yimi.
Madaxweynaha Khaatumo iyo Weftiga uu hogaaminayo ee la socday Diyaarada ka soo degtay madaarka Maanta ayaa ka soo kicitimay Magaalada Muqdisho, waxaanay ku soo nasteen Magaalada Caabud-waaq ee Gobollada dhexe ee Somalia.
Munaasibad balaadhan oo laba waji leh ayaa ka dhacday Gudaha Garoonka, taasoo marka hore lagu soo dhaweeyay weftiga, marka labaadna Madaarka lagu furay.
Weftiga Madaxweyne Indho-sheel ayaa Maanta ilaa caawa joogaya Buuhoodle, berina u sii gudbaya dhinaca Magaalada Taleex ee qabanqaabada shirku ka socdo, sida uu Gobanimo u sheegay Afhayeen u hadlay Maamulku.
Si kastaba ha ahaatee marka si guud loo cabiro jawiga Mujtamaca Gobolka u dhashay ee Gudaha iyo dibada, farxad weynbay u tahay maanta iyo wixii ka dambeeya hadii Madaarkani noqdo mid sida loo furay u sheeqaya.
Mashaariic kale
Mashruuc balaadhan oo laami lagaga dhisayo Magaalada ayaa gabagabo ku dhow hada.
Mashruucaasi oo lagu dhisay Laami Daamur ah oo dhawr KM ah, waxa iska kaashaday Bulshada Magaalada iyo Maamulka .
Wufuud kale oo ku soo jeedda Buuhoodle
Wefti uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali oo beryahanba ku sugnaa Dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda soo gaadhaan Buuhoodle, kuwaasoo iyaguna halkaasi diyaarad ku imanaya.
Weftiga ayaa labada maalmood ee soo socda la hadal hayaa inay soo gaadhaan halkaasi.
Si kastaba ha ahaatee Madaarkan ayaa dhinac kale qayb weyn ka qaadan doona dhaqdhaqaaqa Siyaasiyiinta Khaatumo oo cidhiidhi badani ka haystay dhinaca Safarada dibada.
Gobanimonews
Buuhoodle Office
Email: editor@gobanimonews.com