Tuesday, April 15, 2014

Dawladda Brundi oo Safiir u soo dirsatay Somalia 22 sanno ka dib


Xasan Sheikh Maxamuud” Burundi waa wallaalo jira oo aan marnaba la illaawi karo sida ay dhiigooda noogu hureen”




 


 burbs  Muqdisho, 14 April 2014 – (GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay H.E. Joseph Nkurunziza Safiirka cusub ee dawladda Burundi u soo magacowday dalka burssSoomaaliya.





Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay Safiirka, waxaanu u beyaamiyay in Brundi dhiig Askarteeda u hibaysay nabaddeynta Soomaaliya.




A.M. Joseph Nkurunziza, Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo.




" Dowladda Burundi wey ka go’antahay inay taageerto dadaalka nabadeyna Somalia. Shacabka Burundi waxey fahamsanyihiin muhiimadda ah in wallaal loo gurmado marka uu gurmad u baahanyahay, waana sababta ay ciidamadeenu u joogaan Somalia si ay nabada u soo celiyaan.burs




Somalia waxey istaahishaa taageero, waxaanan beesha caalamka ugu baaqeynaa inay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan Somalia oo Dowladda lagu garab gala dib u dhiska hay’adaheeda si ay nabadda u soo celiyaan. Burundi wey sii labo jibaareysaa taageeradeeda ku wajahan Somalia.” Ayuu yiri Safiirku.Bur




Madaxweynaha oo ka hadlay munaasibadda soo dhaweynta ayaa ka waramay xidhiidhka dalkiisa iyo Brundi iyo doorka ay ciidamada waddankaasi ku leeyihiin dib u xoraynta dalka.




 Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay taageerada Burunde ee dhanka amniga. Ciidanka Burundi waxey safka hore uga jiraan howlgalada kooxaha nabad-diidka dalka looga sifeynayo, iyagoo qeyb ka ah AMISOM. Ciidankeennu iyagoo kaashanaya AMISOM waxey maalin walba guulo ka gaarayaan oo ay kooxaha argagaxisada ka saarayaan goobo cusub si Al-Shabaab looga saaro dalka oo dhan, bacdamaa ay khatar ku yihiin Somalia, iyo caalamka oo dhan. Burundi waxaan kala shaqeyn doonaa sidii aan xiriirka labada dal u sii xoojin laheyn.”




Xasan Sheikh Maxamuud ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay  “Burundi waa wallaalo jira oo aan marnaba la illaawi karo sida ay dhiigooda noogu hureen si Somalia ay nabad u noqoto. Sidoo kale waxaan idinkaga mahadcelineynaa tababarka ciidanka Soomaaliyeed oo maanta noqonaya ciidan tayeysan oo aan u diyaarineyno inay amniga dalka oo dhan la wareegaan mustaqbalka dhow.”ayuu yiri




Ugu dambeyn, Safiirka Burundi ayaa fariin uu ka siday H.E. Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Burundi soo gaarsiiyey Madaxeynaha Somalia oo uu ku ballanqaadayo sida ay uga go’antahay Burundi inay taageeraan Somalia. Safiirka ayaa ugu danbeyntii shir-jaraa’id la qabtay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia.




Gobanimonews




Muqdisho OffIce




Email: editor@gobanimonews.com