Hargeysa(GNA)-Diyaarad ka diwaan-gashan Qaaradda Yurub oo ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines ayaa markii ugu horaysay soo fadhiisatay Madaarka diyaaradaha Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa, sidaa waxa ku dhawaaqay Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi.
Shirkadda Daallo ayaa adeegyada duulimaadyada Caalamiga ah dalka ka bilowday sanadkii 1994-kii xili ay wali dalka ka sii muuqdeen raadadkii Dagaaladdu, waana shirkadii ugu horaysay ee bilowday isusocodka dadweynaha ee dibada iyo gudaha, taasoo si weyn loogu tanaaday.
Sidaasina waxa sheegay mid ka mida dadkii xiligaasi baahida u qabay adeegyaddeeda oo Gobanimonews la hadlay.
Diyaaradda ay dalka keentay oo noociidu yahay Air Buss A321, qaadaysana rakaab dhan 230 qof halkii mar,ayaa noqonaysa diyaaradii ugu horaysay ee Caymis Caalamiya haysta ee soo fadhiisata Garoonkan oo dib u dhis lagu sameeyay sanadkii la soo dhaafay.
Madaxda Shirkadada Daallo Airlines ayaa sheegay inay Diyaaradani ay ka mid tahay adeegyo cusub oo shirkadada Daallo Airlines ay soo kordhisay, isla markaana ay qorsha ugu jirno inay Diyaaraddani ay Duulimaayo toos ah ku tagto Magaalooyinka Paris iyo Lodon, taas oo dadka rakaabka ah u fudaydin doonta safaradooda.
Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa dad rakaab ah oo maanta diyaarad u raacay Magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa shirkada Daallo ku amaanay duulimaadyada ay diyaarad ku sameyn doonto.
waxaanu yidhi “ Diyaaradani Air Buss A321 oo ah mid baaxad weyn, galabta ayaanu halkan Madaarka Cigaal ka raaci doonaa INSHA ALLAH, waxana ay toos noo gayn doontaa magaalada Dubai, taasi waxay meesha ka saari doontaa in dadku ay Transit ku noqdaan Jabuuti wakhti badanina uu halkaas kaga lumo, waa fursad dadka reer Somaliland u soo kordhay shirkada Daallo Airlines waan ku amaanayaa hawsha diyaarad Air Buss A321 iyo dadaalka kale ee ay wadaanba.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi.
Diyaaraddan cusub ee duulimaadyada Caalamiga ah ku gooshi doonta ayaa fursad weyn u soo kordhinaysa dadka qurbaha ka imanaya oo xiliga xagaaga cidhiidhi badan ku soo kordhiya Duulimaadyada Somaliland iyo dibadaha.
Waxa ay duulimaadyo toos ah kaga imanaysaa ama ku tegeysaa Waddamada Yurub oo ay xiliyadii hore dadku ka soo raaci jireen diyaaraddo kale oo kuwa Somaliland yimaada kaga soo wareejiya Imaaraadka Carabta “Dubai”.
Adeeggan ayay Shirkaddaha diyaaraduhu la kaashan jireen kuwo kale oo Yurub iyo dalalka kale ee Caalamka ka diwaan-gashan.
Masuuliyiinta Daallo Airlines oo ka hadlay munaasibadda lagu soo dhaweeyay Diyaaradan, ayaa mcaamiisha shirkadda iyo dadka ka imanaya Dalalka Yurub iyo waddamada kale ee aanay hore diyaaradaha Soomaalidu u gaadhi jirin, ay Xaggaaga iyo xiliyada kale ee caadiga ahba diyaarad toos ugu soo raaci doonaan waddanka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com