Wednesday, April 9, 2014

Cukuse oo Waji Gabax kala kulmay Shir Warbaahinta loo qabtay


cukuseHargeysa(GNA)-Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland ayaa waji gabax iyo cadho kala kulmay kulan loo qabtay Warbaahinta Somaliland oo Maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa.




Shirkan ayaa daba socday kulamo hore oo lagu gorfeeyay caqabadaha kala duwan ee Saxaafadda ku geddaaman iyo sida looga horumarin marin karo, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed Saxaafaddu ku dalbanayso in la dhaqan geliyo Xeerka Saxaafadda ee Xeer Lr 27/2004.




Wasiirka Warfaafinta ayaa muujiyay inaanu ka raali ahayn dhaqan celinta Xeerkaasi, markii war murtiyeedka la akhriyayna afka furtay qaylo iyo buuq uu ku dhaleecaynayo go’aannada ka soo baxay shirarkii Warbaahinta.




Cabdilaahi Maxamed Daahir, ayaa madasha ka jeediyay toban hadal oo is-burinaya, kuwaasoo uu qaarkood ku duray Mulkilaha Wargeyska la xidhay ee Haatuf, xubno ka mida warfidiyeenada iyo waliba war-murtiyeedka la soo saaray.




Waxa uu caddeeyay inay xukuumaddu ka badheedhay in al-baabada loo laabo Wargeyska Haatuf, isagoo ku dooday in Yuusuf Cabdi Gaboobe diiday Ergo badan loogu diray inuu joojiyo Maqaaladii Musuqmaasuqa la xidhiidhay ee uu daabacay wargeyskiisu.




Hadana waxa uu muujiyay inuu ka xunyahay xadhiga Wargeyska.




“Waan ka xumahay xadhiga wargayska haatuf,Yuusuf Cabdi Gaboobe waa Saaxiibkay cid iskaga kaaya dhawi ma jirto ,muddo badan ayaanu mihnada Saxaafada ku soo wada jirnay,waana nin igu qaaliya”.ayuu yidhi.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com