"waxaan ka baqayaa in cuqubada iyo inkaarta dhibta halkan Lowyacado ka dhacdaa ay Baddu xaga sare nagaga timaado oo la arko"Xildhibaan Maxamed Daahir
Lowyacado(GNA)-Xildhibaan katirsan Golaha Deegaanka Degmada Saylac Xildhibaan Maxamed Daahir Camir, iyo Maaamulka hoose ee Tuulada Lowyacado ee kutaala Xuduuda u dhexeysa Jabuuti iyo Somaliland ayaa si adag u cambaareeyay lacago madaxaa haku furto ah oo Wasaarada Maaliyada Somaliland kusoo rogtey dadweynaha shacbiga ah ee ugudbaya dhinaca dalka Jabuuti ama kayimaada dalkaasi ee soo galaya dhinaca Somaliland, ee ubadan dadka eheladooda wax u doonta iyo dadka xaalad caafimaad u tagaya dalka Jabuuti.
Xildhibaan Maxamed Daahir Camir ayaa, ku dhaliilay Xukuumada Somaliland gaar ahaan Wasaarada Maaliyada in ay talaabo Axmaqnimo ah oo sibilaa naxariis ah loogula dhaqmayo shacbiga danyarta ah ee muwaadiniinta u dhashey Somaliland ay kula kacdey taas oo laga qaadayo lacago, aanay dadkaasi awoodi kareyn islamarkaana, tacdiib badani kaga soo gaadho Xafiiska Socdaalka Tuulada Lowyacado ee kutaala xuduuda u dhexeyysa Somaliland iyo Jabuuti.
"Waxaan ahey Xildhibaan katirsan Golaha Deegaanka Degmada Saylac oo laga soo doortey Tuulada Lowyacado, waxa halkan ka dhaca dhib weyn oo aan hore loo arag horeyso iyo dambeysaba dowladihii soo marey Somaliland iyo Xiligii Soomaaliyaba labadaba, waxa halkan Lowyacado ka dhaca tacadi badan iyo dhibaato hor leh oo ah dad la cashuurayo oo masaakiin ah oo ah dadkii danyarta ahaa, oo aan loo aabo yeelayn kii sharciga haystey iyo kii aan haysanba marka qofka khasab lagaga dhigo (26,000) oo Somaliland shilin ah hadana intaa laguma daayo ee waxaa lagu hadidaa oo laga baadhaa sharci aanu haysan isagoo la arkayo in uu yahey qof dhibaateysan oo Reer Miyi ah oo dirqi kusoo helay nool, waxyaalaha mudooyinkan dambe aadka loola yaaban yahey waxa kamid ah dad kayimid Jabuuti oo soo doonay eheladoodii ayaa lacag la weydiiyay markay soo gudbeen, khasabey ku noqotey oo wey bixiyeen hadana mar labaad ayaa lacagtii laweydiiyay, waxaanu habeen dhaweyd kasii deynay halkan dadkaasi iyo kuwii ay soo dooneen oo isku xidhan, dadka looma kala aabo yeelayo, waxyaalaha layaabka leh waxa jira dad waayeel ah oo curyaamiin ah, oo laxaadka wax ka qaba, dad indho la,a iyo kuwa xanuunsanaya midna looma naxariisanayo, waanu ka hadalney tacadiga halkan ka jira mudooyinkan dambe oo Maaulka Degmada Saylac, iyo Kan Kastamka Saylac intaba waanu kala hadalney laakiin, waxay af gobaadsanayaan ma dakhligaad ka hor imaneysaan, waxaan leeyahey kani dakhli noqon maayee waa naar waana la arki doonaa cuqubadeeda"Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Daahir.
Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa "Anigu Xildhibaan ayaan ahey, hadaan qof xanuunsanaya qaado oo aan u geeyo ciidamada Jabuuti ama dad geeri tagaya, si sharaf leh oo ixtiraam leh oo naxariis leh ayay usii daayaan, waxaanad dareemeysaa in kala dambeyn iyo nidaam jiro halkan, aanu Xildhibaanka ka nahey waxaan lagaa aqbaleyn, qof xanuunsanaya, ama waayeel ah ama maati ah ama hooyo uur leh ha ahaateo, ama xaamilo ha ahaato ama, qof waalid ah oo da, ah ha noqotee majirto wax ala wax tix galin ah oo biri ma geydadaa la siinayaa waana kala dambeyn la,aan iyo nidaam xumo jirta iyo cadaawada ay Wasaarada Maaliyadu kusoo rogtey shacbiga itaalka daran, waxa muuqata in dowladani aanay dadkeedii dan ka laheyn, ee ay lacag dan ka leedahay, waxaanay arimahani dhaceen oo sidan xaaladu noqotey, intii Wasiirka Maaliyada uu noqdey Samaale, dhibaato dhacda mooyee samaaniba majirto iyo kolba nin lasoo dardaaro oo aan cidba u aabo yeelayn, oo aan naxeyn mooyaane, hadii shacbi la waayo dowladi majireyso, gibirkii la sheegi jirey ee Itoobiya tanaa ka xunba,waxaanu ku baaqeynaa in loo naxariisto dadka masaakiinta ah ee lagu dhibayo Xafiiska Socdaalka Lowyacado, wixii sharci sitana la cashuuro, waxaan ka baqayaa in cuqubada iyo inkaarta dhibta halkan ka dhacdaa ay Baddu xaga sare nagaga timaado oo la arko"Ayuu yidhi Xildhibaanku. Waxa kale oo iyaguna arintan ka deyriyay islmarkaana, dhinacooda si adag uga hadley Gudoomiyaha Tuulada Lowyacado Siciid Cabdiraxmaan Cilmi iyo Oday Faarax Xasan Warsame iyadoo uu Tilmaamay Odey Faarax in uu kunoolaa Tuuladan Lowyacado mudo kusiman sodon sanadood sidaa, daraadeedna, aanu arag wali Taariikhda talaabadan oo kale ama in dadka shacbiga ah ee muwaadiniinta ah khasab lagaga qaado lacag madax tiris ah isagoo sigaar ah u suntey Xiligii Dowladii Milatariga aheyd ee Kali taliyihii Siyaad Barre oo aan sidan oo kale loo dhaqmin.
Sikastaba ha ahaatee, Ciidan gaar ah oo loo sameeyay Wasaarada Maaliyada ayaa, cadaadis adag iyo hadidaad ba,a n ku haya shacbiga danyarta ah ee aan awoodi kareyn lacagta madax tiriska ah ee ay Wasaarada Maaliyada Somaliland kusoo rogtey dadka u socdaalaya dalka Jabuuti taas, oo ay u dheer tahey baadhitaan fool xun oo lagaga baadhayo baasaboor iyo kaadhadhka dhalashada Jabuuti si lacag badan oo dal kusoo galid ah ama ka bixis ah looga qaado.