Wednesday, April 16, 2014

Burco: Isuduwaha Caafimaadka oo Gaadhi Ambulace ah u diiday Xildhibaan la dhaawacay


Burco(GNA)-Qaar ka mid ah eheladii Xildhibaan Jaamac xasan Aadan oo dhawaan dhaawac tooray ah  loogu gaystay Magaalada Burco ayaa Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer ku eedeeyay inuu u diiday Gaadhi Ambulace ah oo lagu qaadi lahaa Xildhibaanka si loo geeyo Hargaysa.




Xildhibaan Jaamac ayaa afar maalmood ka hor uu weerar ku qaaday Nin ay Ehelo yihiin, kaasoo dhaawac culus u geystay.




 Ehelada Mudanehan oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Burco ayaa sheegay in Dr Cabdi yaasiin si xintan ka muuqdo ugu diiday Gaadhiga, maalin uun ka dib markii dhaawucu soo gaadhay.




''ilaa hada shidaalkii aanu ku shubanay anbalasku wuu nagala maqanyahay oo habeenkii intaanu soo diyaarinay oo shidaalkii ku shubanay ayay dhakhaatiirtii nagu yidhi Afar iyo labaatan saacadood u kaadiya,dabadeedna subaxii ayuu inankii gaadhigu nagu yidhi Isuduwihii ayaa ila soo hadlay oo yidhi ma qaadi kartid,Markaanu isuduwihii la hadalayna waxa uu nagu yidhi ninkii idin nageeyay haydin siiyo gaadhi isagoo sheegaya dhakhtarkii nagu yidhi aynu baxnaanino, sidaas ayuu noogu diiiday isuduwhu amabalkii,Sidaas waxa ydhi Cismaan Food oo ka mid ah Eheladda.




Xasan  C/laahi Maxamuud ayaa isna shedegay'' Ambalka waxa uu nagu yidhi meel buu qabtay manuu tagin ee wuu joogay,xataa markii aanu nidhi shidaalkii noo celi aanu ku shubanayna noomuu celin ee sidii ayuu ku maqanyahay”.




Maxamed aadan  oo xubin ka ah Ehelada Xildhibaanka ayaa isna arrintan ka hadlay “waxaa uu nagu ydi inamadii dhaktarada ahaa ee aad la tashateen gaadhi haydin siiyaan,markii danbe ee aanu nidhi shidaalkii na sii waxa uuy ydhi gaadhi aan ogsijiin lahayn baan idn siinayaa kaasina nama anafacayn, shidaalkayagii aanu ambalaska ku shibanay sidii ayuu nagaga maqanyahay,waxaanay sheegeen in gaadhi shicib hargaysa lagu geeyay”.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Agaasimaha la eeddeeyay, kaasoo uu iskaga difaacayo Eedda loo jeediyay.




Noomanay suurto gelin inaanu helno mar aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka waydiino.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office