Thursday, February 6, 2014

Xisbiga Ucid oo Xukuumadda Dhaliilo uga jeediyay xaflad uu Maanta Burco ku qabsaday


DSC00071Burco(GNA)-Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay wefti ka socda Xisbiga Ucid oo ku sugan Magaaalada Burco ayaa ka qabsoontay Hudheelka Cigaal ee Magaalada Burco.




Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen Xafiiska Xisbiga ee Magaalada Burco, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Suldaan Sayid oo ka mida ah Madaxdhaqameedka Gobolka Togdheer.




Suldaan Sayid ayaa ka dhawaajiyay inay wax laga xumaado ay tahay go’aankii weftiga Ucid lagaga hor-joogsaday Burco “Jamaal Cali xuseen loogama baqayo inuu fowdo ka abuuro Burco”




Xildhibaan Cabdi Rashiid oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco uga soo baxay Xisbiga Ucid, ayaa isaguna munaasibaadaasi kahadlay, waxaanu  sheegay inay soo dhaweynayaan weftiga ka socda xisbiga, isla markaana ka xunyihiin go’aankii shalay xukuumaddu isku hortagtay weftiga.




Xoghayaha  Arrimaha Gudaha  ee Xisbiga Ucid Xuseen Badmaax, oo isugana xafladaasi ka hadlay, ayaa dhaliilo kala duwan u soo jeediyay Xukuumadda talada haysa.




Xuseen ayaa  ka waramay dhaliilo badan oo xukuumaddu leedahay, isagoo tilmaamay inay tahay xukuumad faan badan “xukuumaddda faan badan xisbiga waxay u taaqaanaa inaanu Xisbiyadda qaranka ku jirin”ay yidhi.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Xuseen.mp3"][/audio]




Maxamed Siciid Yuusuf xubin ka ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid oo xafladaasi ka hadlay, ayaa si weyn u cambaareeyay falal isxig-xigay oo ay xukuumaddu kula kacday xisbiga UCID, kuwaasoo ay ka mid yihiin baadhitaan shalay lagu sameeyay xafiiska Xisbiga ee Berbera iyo talaabadii burco lagaga hor-joogsaday hogaanka xisbiga.




Xoghayaha Arrimaha Dibadda Budhle   oo munaasibadda ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inaanu xisbiga Ucid aqoonsanayn heshiisyada Xukuumaddu ka gashay arrimaha qadiyada somaliland iyo dhaqaalaha, sida heshiisyada New deal iyo SSA, oo labaduba uu sheegay inay caqabad ku yihiin jiritaanka Somaliland.




“Xisbiga ucid hadii uu talada ku guulaysto waanu tir-tiraynaa dhamaan heshiisyada lagu luminayo xuquuqda Somaliland ee ay xukuumaddu gashay,SSA iyo New deal midna yeeli mayno”ayuu yidhi.




Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, oo isguna xafladaasi ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qorsheyaasha siyaasaddeed ee xisbiga Ucid iyo manjaraha u degsan inay waddanka ku hogaamiyaan hadii ay talada ku guulaystaaan.




Wuxuu sheegay inay dib u soo nooleyn doonaan rajeda iyo Kalsoonida shacbiga Somaliland u hayeen gooni isu taaga dalka, isla markaana meesha ka saari doonaan aaaminaad darada laga qabo hogaanka.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Cabdirashiid-mp3.mp3"][/audio]




Jamaal Cali Xuseen Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigs Ucid oo gabagabadii Munaasibadaasi ka hadlay, ayaa isaguna ku dheeraaday qorsheyaasha siyaasaddeed ee Xisbigiisa iyo waxa uga meel yaal kasbashada Kalsoonida shacbiga.




Jamaal Cali Xuseen ayaa sidoo kale wax ka taataabtay dhaliilaha xukuumadda, dimuquraadiyada, dhaqaaalaha Waddanka iyo madaxbanaanida Saxaafadda.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/JAMAAL.mp3"][/audio]