Boorama-(GNA)-Waalidiinta dhalay Ardayda wax kabarata dugsiyada Hoose/Dhexe Iyo Sare ee magaalada Boorama ayaa cabasho xoogan ka muujiyay lacago khasab lagaga qaadayo caruurtooda, lacagahaasi ayay waalidiintani ku sheegeen in Ardaygiiba laga doonayo 3$ doolar, qaar ka mid ah waalidiintan oo la soo xidhiidhay warbaahinta qaar ka mid ah ayaa u sheegay dugsiyadii ay wax ka baranayeen caruurtooda laga soo eryay, ka dib markii ay bixin waayeen lacagahaasi, Waalidiinta ayaa intaas ku daray in lacagahan loogu sheegay in loo gurayo Wadada Ceerigaabo, sida ay macalimiinta dugsiyadu u sheegeen cauuurtayada ayay yidhaahdeen.
Mid ka mida waalidiintaa oo la yidhaa C/laahi Sheekh ayaa isagu yidhi” Hadaan waalidiinta magaalada Boorama nahay waxaan ka cabanaynaa in caruurtayada lacag aan sharci ahayn oo cashuur ah dugsiyada lagu weydiiyo, Anigu wax shaqo ah ma hayo, waxaan u dedaalayaa cuntadooda iyo biilkooda, Dawladii Somaliland wax shaqao Abuur ah ma samayn, Xageen ka keenaa 5 caruur ah oo ii dhigata dugsiga inaan midkiiba ka bixiyo 21kun oo shilin, waxaan u aragnaa in cauurtayada lacagta loogu sheegayo dhismaha wadada in ay dad gaar ahi ku xoogsanayaan, Macalimiintu nama qancinayso, Gudi ururinaysa oo loo dhibayo ma arkayno, culays iyo dhibaato ayay nagu tahay ee Dawlada Somaliland fiiro gaar ah ha u yeelato dadka caruurtayada ku baadhanaya qaadhaanka wadada, waxaanan arintaa ku eedaynaynaa Wasaarada Waxbarashada ee G/Awdal iyo Maareeyaha SRA.
Sidoo kale mar aan isku daynay inaan wax ka weydiino saraakiisha wasaarada waxbarashada ee G/Awdal inay jirto arintan lacagaha laga qaadayo cauurta yaryar ee dugsiyada H/dhexe wax ka barta, ayaa qaarkood noo cadeeyeen inay jirto balse aanay faahfaahin ka bixin Karin, Macalimiinta dugsiyada Boorama ayaa iyaguna cadeeyay in amarku kaga yimid xaga wasaarada waxbarashada iyo inay jiraan cabashada ka imanaysa waalidiinta dhalay Ardayda.
Dhanka kale waxa iyada lagu soo rogay Biyaha magaalada Boorama lacago cashuuro ah, oo loo magac bixiyay Sales Tex amase cashuuraha Iibka, taas oo sida ay u cadeeyeen warbaahinta hawlwadeeno ka tirsan shirkada biyaha magaalada Boorama ay tahay cashuuro ay ku soo amartay wasaarada Maaliyada oo cadadkeedu dhan yahay 5% boqolkiiba shan, taas oo saran dadka shacabka ah biyihii shirkadu ka iibisay, Arintan ayaa iyadu ah mid culays ku ah shacabka danyarta ah, Isla markaana baal marsan xeerarka Cashuuraha oo aan dhigayn in la dulsaaro biyaha la isticmaalo Cashuurta Iibka, maadaama aanay saarnayn biyaha warshaduhu soo saaraan ee caagaga ku jira, Shirkada biyaha ee Boorama ayaa iyadu bixisa Cashuuraha ku waajiba Macaashal macaashka Iibka iyo kuwo kale, waxaana dad badani la yaaban yahay sababta Wasiirka Maaliyadu uu uGu soo rogay cashuur aan Wakaaladihii Biyaha ee Somaliland ka hirgelin u si gaara uGu bartilmaameedanayo Shrkada adeega biyaha Boorama ee SHABA.”
Gobanimo news-desk
Borama-somaliland