Saturday, February 15, 2014

Xildhibaan Ruush: Madaxweynaha 42 cod-baa lagu ridi karaa ee Shir-guddoonka hala simo”dhegyso


Labada garab ee Golaha wakiillada Somaliland oo isku fahmi waayay xal iyo garabka xukuumadda oo dalbanaya in  rabitaankooda la aqbalo.hoos ka dhegeyso Xildhibaan u hadlay




FarosaarHargeysa(GNA)-Golaha wakiillada Somaliland ayaan wali xal ka gaadhin khilaafka u dhexeeya Shir-guddoonka ee labada garab u kala jebiyay golaha weynaha.




Guddiyo labada garab ee Golaha ka kala socda oo wada hadalo u socdeen maalmihii la soo dhaafay ayaa ku kala kacay fadhi ay maanta yeesheen, ka dib markii laysku fahmi waayay waxyaabaha laga wada hadlayay.




Golaha wakiillada ayaa dhawaan hoos u dhigay awoodda labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golahaasi, taasoo abuurtay khilaaf culus oo Xukuumaddu faraha la soo gashay, mucaaridkuna difaac ka galay.




Ergo ka socota Golaha Guurtida ayaa biowgii todobaadkii hore dhexdhexaadin ka galay dejinta muranka oo gacan ka hadal iyo ismari waa gaadhay.




Hase ahaatee Guddiyada kala metelataya labada dhinac ee Loolanku ka dhexeeyo, ayaa maanta oo Sabti ah sheegay inay isku fahmi waayeen habka xal lagaga gaadhi karo arrinta lagu muransanyahay oo ah mooshino iska soo horjeeda oo Golaha horyaala iyo kii hore awoodda lagaga dhimay labada ku-xigeen.




Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo uu hadlayay garabka  labada ku-xigeen iyo xukuumaddu dabada ka riixayaan ee Cirro ka soo horjeeda ayaa Warbaahinta u sheegay




 “Wada hadaladan oo noo socday 13-kii Bisha  iyo 15-kii oo maanta ah, waxa fadhiyay labadii dhinac ee golaha ka kala socday ee arrintan ku muransanaa, afartaa cisho waxa aanu ku jirnay mawaadiicdii ay doodu ka dhalatay, marka hore waxa aanu ku heshiinay ajandaha, doodiisii waanu dhamaynay, maanta waxa aanu isugu nimid gabogabadii  oo la soo gabogabeeyo doodihii, nasiib darro waanu gaadhi kari waynay qaraar, murankii isaga ahaa ee ay doodu ka dhalatay waanu goyn kari waynay, anaga oo markii hore isku qancinay in aanu guurtida ka dul qaadno anaguna aanu xal kama dambays ah gaadhno, runtii waanu gaadhi kari waynay, xalku waxa  uu noqday in aanu guurtida u yeedhno oo aanu dhiibno oo aanu nidhaahdno halkaas ayay nala martay, hadii aanu markii hore nidhi waanu idin furanaynaa iminkana  aanu nidhaahdno waanu idinka maarmi waynay” ayuu yidhi.




Dhinaca kale Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ah kooxda difaacaysa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa rejo aan wanaagsanayn ka bixiyay natiijada wada hadalada u socda Garabka ka soo horjeeda,




 “Waxa ay muuqatay in aanu riixi kari waynay, haddii aanu riixi kari waynayna waxa ay nala noqotay in aanu odoyadii marka hore talada ka qaatay golaha aanu u dhiibno oo aanu nidhaahno waar odayaal riixi kari waynay ee halkii ka sii wada, taladuna halkaas ayay maraysaa, Golaha Guurtiduna waa niman dalka wax badan ka soo qabtay.




Waa hay’ad dastuuri ah oo u qaabilsan hay’adaha dawladu marka ay is qabtaan in ay dhexdhexaadiso” ayuu yidhi.




Sidaasoo ay wax yihiin Xildhibaanada ka soo horjeeda go’aanka Goluhu awoodda kaga dhimay ku-xigeenada ee Golaha Wakillada ayaa ku adkaysanaya in garabka Cirro Aqbalo in awoodda shir-guddoonka iyo tirada codadka lagaga qaadi karo la simo saddexda xubnoodba.




Xildhibaan Ibraahin Caraale Ruush oo ka mida mudaneyaasha xukuumadda iyo labada guddoomiye ku-xigeen la safan, ayaa maanta Warbaahinta u sheegay inay lagama maarmaan tahay in shirguddoonku xeer hoosaadka Golaha ka sinaado.




“Shir-guddoonka waa in isku xeer laga dhigaa oo 44 cod lagu wada ridi karaa, laakiinse hadii la kala saraysiiyo wax macno ah oo meesha ku jiraa ma jiro, Guddoomiyahana waa la ridi karaa, 55 codbaa lagu ridi karaa”ayuu yidhi.




Ruush ayaa sheegay in madaxweynaha 44 cod lagu dalban karo maamuus ka xayuubintiisa, sidaasi awgeed, looga baahanyahay garabka Guddoomiye Cirro difaacayaa inaanay ka hor iman go’aanka Golaha .




RuushHalkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Xildhibaan-Ruush.mp3"][/audio]