Wasaarrada arimaha gudaha ayaa dhawaan soo bandhigtay boosas shaqo oo banaan oo lagu qiyaasay ilaa 40 boos ugu badnaan.
maalmahan oo dhan waxaa socdey qabashada CV yada ardaydii ka qalinjabisey jamacadaha iyo kuwa hada dhigta iyo xataa ardeyda secondary ga oo iyagana jaaniskan qayb lagasiiyay.
balse iyada oo ay jirto shaqo la’aan baahsan oo dhamaan dalka oo dhan saamaysay ayaa waxaa aad u tiro batey lambarada musharixiinta boosaskan shaqo oo sida la sheegay ay gaadheen ilaa 4000 oo qof.
halka dadka qaarna ay sheegaan ilaa 2500 oo qof, kuwasoo iskaga yimid sida la ogyahay dhamaan jaamacadaha gobolada dalka sida jaamacada Camuud.
arintan ayaa ahayd mid marka horeba la filayay hadana waxay keentay caqabado badan oo sidii loo kala saari lahaa ardayda ah, tasoo sababtey in imtixaankii sabtida 15/2/2014 laqaadi lahaa dib loo dhigo iyadoo la raadinayo sida xalku noqonayo.
sida wararka kazoo baxaya shaqaalaha wasaarrada arimaha gudaha qaar kamid ah oo sir ah ay sheegayaan waxaa ay leeyihiin in sababta imtixaanka dib loogu dhigay ay tahay, dhaqaalihii imitixaanka lagu bixin lahaa oo aad u batay sababtoo ah waxa loo baahanyahay ilaalo badan iyo waxyaabo kale oo lagama-maarman ah si imtixanku u dhaco si nidaamsan oo nabad ah taasi oo keentay Khilaaf soo kala dhex galay wasaaradda arimaha gudaha iyo wasaaradda maaliyada oo kharashkan aadka ubadan isku khilaafey,
Wararka kale ee arrintan ku saabsan ayaa waxay sheegayaan in marka hore la doonayay in la soosaaro shortlist si ardeyda loogu kala reebo CV ga intaan imtixaanka la gaadhin oo lasoo reebo kaliya ilaa 100 qof.
laakiin waxay dowladu ka cabsi ka qbtaa hadii sidani dhacdo ardayda gaadhaysa ilaa 4000 markaa boqol laga soo reebo 3900 ee kale ma ku qanci doonaan shortlist ka mise waxay u arki doonaan inaan cadaalad loo kalasaarin.
Sidaa darteed waxaa aad u badan suurtagalnimada kacdoon iyo rabshado ay ardaydu sameeyaan marka ardaydii gaadhaysay afarta- kun meel iskugu yimaadaan , dowladuna arintan mardanbe ayay ku baraarugtey taasina waa sababta imtixaanka loo baajiyay si xal kale loo radiyo .
Iskusoo wada duuba wasaarada arimaha gudaha ayaa haatan ku wareersan sidii ay dadka oo dhami u wada qanci lahaayeen kii hela iyo kii wayaba, waxaan imtixaankii dibloo dhigay ilaa isniinta sida ay wasaaradu soo qortey inkastoo masuuliyiin wasaarada ka mid ahi ay leeyihiin ilaa laba dobaad ayaa dibloo dhigay, arintuna hada waa mid aad u adag oo aan la garanayn sida ay ku danbayn doonto.
QALINKA: MOHAMED ABDI HASHI
TELL: 063 4106409
EMAIL: rooble122@gmail.com