Saturday, February 15, 2014

Abaabullo Ciidan iyo soo jiidasho siyaasaddeed ka socda Sool.Daawo


Indho-sheel: waxaad tihiin Mujaahidiin xoraynaya dalkooda la haysto iyo ka la soo weerarayo”Daawo Hogaamiyeyaashii Khaatumo Dagaal isugu dhaaranaya iyo Maleeshiyaad tababar dhamaystay..




Sool




Laascaanood(GNA)-Madaxweynaha Maamulka la baxay Khaatumo iyo xubno sarsare oo ka tirsan Maamulkiisa, ayaa soo dhaweeyay cutubyo ciidan ah oo loo soo tababaray Ilaalinta Shir lagu magacaabay Khaatumo3 oo bisha soo socota lagu qabanayo Taleex.



Taleex, ayaa labadii sanadood ee Maamulkani jiray magaalo madax u ahayd, ka dib shirweynihii halkaasi lagu qabtay 2011-kii.




Ciidanka ayaa lagu soo tababaray Deegaanka Karin, waxaana lagu soo dhaweeyay Xalin oo ka mida Gobolka Sool.




Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Khaatumo oo hadal u jeediyay Ciidanka ka hor intaanu madaxweynuhu hadlin,ayaa sheegay in ragii Xasuuqa ka geystay Taleex bishii November ee sanadkii hore ay hada ku soo duulayaan halkaasi iyagoo shaadh maamul kale xidhan.




“Ragii Xasuuqa geystay bishii November, maanta iyagoo maamul kale sheeganaya ayay Taleex ku soo socdaan, waxaanad tihiin kuwii ka difaaci lahaa”ayuu yidhi wasiirku.




Madaxweynaha Khaatumo Col. Indho-sheel oo isna hadlay, ayaa Ciidanka ku guubaabiyay inay u istaagaan difaaca dalkooda iyo xoreynta Deegaamada maqan.




“Xalin ilaa xadhadhan waxa ku xabaalan waa mujaahidiin, idinkuna waxaad tihiin Mujaaahidiin qoriga u sita dalkooda iyo dadkooda”ayuu yidhi Indho-sheel.




Indho-sheelHalkan ka Daawo:




Labadii hogaamiye ee Kooxda Khaatumo hogaaminayay markii la doortay oo uu ka mid yahay Axmed Karaash iyo xubno kale oo taabacsanaa Maamulkaasi, ayaa ka mid noqday Xukuumadda cusub ee Maamulka Puntland.




Axmed Karaash iyo Cabdi Nuur Cilim Qaaje Biindhe oo isaga dambeeyay Madaxweynenimada Khaatumo ayaa xilal wasiirnimo looga magacaabay Xukuumadda cusub ee Puntland.




Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay Taageeradii Kooxda Khaatumo ku lahayd Gobolka Sool iyo Buuhoodle oo uu ka soo jeeddo markii ugu horaysay Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland Cabdixakiin Camay.




Gobolka Sool, ayaa u muuqda meel ay ku soo waajahanyihiin Xiisaddo u dhexeeya Maamullada Somaliland iyo Puntland oo iyagu dib u bilaabay kala riixashada deegaamo ka mida Gobolka iyo Kooxda Khaatumo oo aan hada cago adag ku taagnayn.




Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland, ayaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ku durkay deegaamo hor leh oo Gobolka ka tirsan, si ay uga hortagaan isku kasta oo ciidan oo lagu soo waajaho.




Geesta kale, Maamulka Puntland, ayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasaddeed oo Salmi ah iyo soo jiidasho bulsho Magaalooyinka waaweyn ee Gobolka ka wadda.




Si kastaba ha ahaatee Shir-weynaha Khaatumo ku baaqday bisha soo socota ayaa isaga laftiisu aan haysan kalsooni buuxda iyo amaan ku filan.




Waxaana dadka arrimaha Gobolka ka faaloodaa sheegayaan inaanu micno badan u samaynayn mujtamaca Gobolka oo ay hada Indhahoodu u sii jeedaan dhinaca isbedelka puntland ka dhacay iyo hogaamiyeyaashii hore ee Maamulka oo dhinac kale ka soo muuqday.




Gobanimonews




Laascaanood Office




Email: editor@gobanimonews.com